|

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda China oo booqday Dimishiq baaqna u jeediyay dhinacyada is haya ee Syria

Dimishiq Feb 19,2012(qurbejoog.com)-Wafti  uu hogaaminayo  wasiir ku xigeenka arrimaha  dibadda ee Shiinaha  Mr  Jaa Jin  oo booqasho rasmi ah  ku joogay  caasimadda  dalka Suuriya  ee Dimishiq,  ayaa  maanta ugu baaqay k ooxaha  mucaaridka  ee hubaysan iyo ciidamada  qaranka  ee xukuumadda  Suuriya  in ay  si deg deg ah  u joojiyaan dagaalada  iyo  rabshadaha  ay  ka wadaan dalka.

Mr  Jaa  Jin  oo maanta warbaahinta  la hadlay  isagoo ku sugan  Dimishiq  waxa  kale  uu si rasmi ah  u  sheegay in dawladiisu  taageerayso  xukuumadda  Bashaar  Al-asad  qorshaheeda  ku saabsan  in bishan lix iyo labaatankeeda  dalka laga  qaban  doono afti loo qaadayo distoor  cusub  oo ogolaanaya  nidaamka  xusbiyada  badan ,  halka bisha  June  ee isla sannadkan la  qaban doono doorasho  guud  oo dalka  ka qabsoonta, isagoo  u rajeeyey  umadda Suuriya  in xaaladda kale  guurku  u dhic doonaan si fiican .

Hadalkan  ka soo yeedhay  wasiir ku xigeenka  arrimah  dibadda  ee dalka  Shiinuhu  waxa  uu  ka dembeeyey  markii uu maalntii shalay  kulan la yeeshay   madaxweynaha  dalkaasi  Mr  Bashaar Al-asad ,  hase  yeeshee  waxa uu ku  tilmaamay  mowqfka  dawladda  shiinha  ee arrimaha arrimaha suuriya  in ay  iyagu  xaliyaan  oo laga  daayo  faro galinta  dibadda  ee  ay  wadaan  dawladaha  reer  Galbeedku.

Qurbejoog-Dimishiq

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed