|

Wasiir Khaliil Oo Degreeto Sababaysan Ku Mamnuucay Khudbadihii Uu Sheekh Aadan-sunne Ka Jeedin Jirey Masaajid Ku yaalla Magaalada Hargeysa

Hargeysa:May,06,2015(SDN/QJ)-Sida ku cad Degreeto ay warbaahinta Somaliland heshay, waxa uu Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed Joojiyey dhammaanba Khudbadihii uu Sheekh Aadan Cabdi Warsame (Aadan Sunne) ka jeedin jirey Masaajid ku yaalla Magaalada Hargeysa.

kholSheekh Aadan Sunne oo ah Wadaad si weyn looga yaqaanno Caasimadda, isla-markaana  haybad u leh inuu soo jiito dhegaha Muslimiin tiro badan, ayaa masuul ka ah  Masaajidka Al-Fadxi oo ku yaala Degmada Maxamuud Haybe ee magaalada Hargeysa, waxana uu si joogto ah halkaas uga akhriyaa Khudbado uu si gaar ah maalmaha jimcaha uga hadlayo arrimaha muslimiinta maanta.

Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta oo shabakadda Somalilandpost.net heshay, ayaa lagu socodsiiyey Hay’ad Islaami ah oo lagu magacaabo Al-Huda, taas oo dib u dhista Masaajidka Al-Fadxi oo ah Masjid Qadiimi ah, waxaanu wasiirku ku amray masuuliyiinta hay’adda inay masuuliyadda masaajidka ka wareejiyaan Sheekh Aadan Sunno.

Wasiirka oo wareegtadiisa ku xusay sababta kalliftay in sheekha laga joojiyo Khudbadaha uu masaajidka ka jeediyo, ayaa u qornayd sidan:- “Aniga oo tixraacaya masuuliyada naadirnimo ee idinka saaran masaajidada aad dhisteen ee aad gacanta ku haysaan  oo ah goobo cibaado loogu tala galay iyo in lagu wacyi geliyo bulshada muslimka ah ee dalkeena loona baahan yahay in si deggan oo naxariis leh loogu baraarujiyo khudbadaha, lana ilaaliyo asluubta fiican iyo dhaqanka muslimiinta oo ah in laysku wado bulshada lana dhawro midnimada iyo nabad galyada umadda, iyada oo lagu cadaynayo waxa ay diintu ina fartay  loona raacayo adaabta sharciga ah ee wanaag farista iyo xumaan reebista, waxa idinku waajib ah inaad la socotaan hadba culimada ka hawl gala oo aad hagtaan. Waxaan halkan idinku farayaa inaad ka joojisaan Sheekh Aadan Cabdi Warsame  khudbadaha iyo casharada uu ka bixiyo masaajidka aad ka masuulka tihiin  ilaa amar danbe, sidoo kale culimada ka hawl gali doonta waa inaad nala soo socodsiisaan  wasaarad ahaan,” Sidaas ayaa lagu sheegay wareegtada Wasiirka.

Lama oga sababta dhabta ah ee ka dambaysa go’aanka Wasiirka, haseyeeshee Sheekh Aadan Sunne, ayaa inta badan lagu eedeeyo inuu jeediyo khudbado kicinaya dareen bulshada, waxaanu amarka wasiirku ku soo beegmay kaddib markii dhowaan xorriyaddiisa loo soo celiyey Sheekha oo muddo iyo dheeraad ah ku xidhnaa Xarunta Ciidanka Dambi-baadhista ee magaalada Hargeysa.

Xigasho:Somalilandpost

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somaliasporanews.com

Comments are closed