|

Wasiir Kaysar Oo Been Abuur Ku Tilmaamay Warar laga Baahiyay

kaysar

Hargeysa,27,6,2016 (QJ/SDN) – Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland Amb.Kaysar Cabdillaahi ayaa waxba kamajiraan kutilmaamay war xalay lagu daabacay Shabakadda Gaaroodinews oo kusaabsanaa kulan isturxaan saarid iyo Tuhun saar ahaa oo loogu garnaqay Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse iyo isaga. Tuhunkaas oo kadhashy Xabbad lagu riday guriga Wasiir Kaysar.

Wasiir Ku-xigeenka Qorshaynta Qaranka Kaysar Cabdilaahi ayaa sida ay Shabakaddu Baahisay waxa uu u tuhmay xabbadaasi lagu riday gurigiisa inuu lug kulaha Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Mudan Cukuse.

Haddaba kadib markii ay Shabakaddu baahisay warkaasi waxa uu Wasiirku bartiisa xidhiidhka Bulshada ee Facebook ku Baahiyay in aanu Warkaasi jirin ee uu Tuhun uun ahaa.

Halkan hoose ka akhri qoraalka wasiir Kayser uu ku baahiyay bartiisa xidhiidhka Bulshada ee Facebook.

Tuhun-Saar: Shirkii Dhaqan ee Xalay!

Asalaamu Calaykum

Waxaan doonayaa inaan halkan kaga hadlo maqaal been-abuur ah oo la geliyay shabakadagaaroodinews.net, dadka qaarna ay isugu sii dirdirayeen facebooga kaasoo ku saabsanaa shir dhaqan oo Tuhun saar ah oo ay isku soo horfadhiisteen laba Beelood oo walaalo ah, shirkaas oo xalay ka qabsoomay Huteelka Royal ee magaalada Hargeysa.

Shirkan Dhaqanka ah oo ay soo qaban-qaabiyeen Odayaasha Beelaha labada dhinac ee uu Tuhunku ka dhexeeyay waxa si mug leh loogaga wada hadlay Tuhun jiray, iyada oo dhinacii tuhunka laga qabayna ay si Sharaf iyo Milgo leh ay u Tuhun saareen dhinacii Tuhunka ka qabay. sidoo kalana ay Dhincii Tuhunka Qabay ay si Sharaf iyo maamuus leh ugu qanceen tuhunsaarkaas. waxaana labadii dhinac oo aad isu laab-xaadhay ay isku saamaxeen Madashaas.

Sideedaba marka aynu ka hadlayno Dhaqanka soo jireenka ah ee Ummada reer Somaliland, haddii cid tuhun loo qabsado, oo ay is tuhun bixiso, cida la tuhun saaray wax Xaal ah kama bixiso tuhunsaarkaas la tuhunsaaray. markaas may jirin wax Xaal marin ah oo tuhun-saarkaas laga bixiyay taasoo ah mid dhaqankeena ku salaysan.

Hadaba dadka warxumo tashiilka ah ee arrintan ka baayac-mushtaraynaya waxaa u haboon inay ka waantoobaan Beenta ay fidinayaan iyada oo lagu jiro Bishan ramadaan. waxaana waajib ah inay ka fogaadaan wixii kala fogaynaya Beelaha walaalaha ah.

Waxaa kale oo aan halkan ku caddaynayaa in Dawlada iyo Laamaha amaanku ay gacanta ku hayaan baadhitaanka dhacdadaas ay arrintani khusaysay.

Waad mahadsan tihiin

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

Comments are closed