|

Wasiir Katirsan Xukuumadda Siilaanyo Oo Gaadhay Fadhiisimo Ciidanka Qaranku Ka Samaysteen Deegaanka Qolujeed Iyo Shacabka Oo Tabashadooda u sheegtay

Qolujeed:Dec,17,2014(SDN/QJ)-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Xasan Daahir Dhimbiil, ayaa Booqasho ku gaadhay Fadhiisimada cusub ee Ciidanka qaranku kaga sugan yihiin Deegaanada Gobolka Awdal oo ay dhawaan gaadheen.

xiirWasiirka ayaa si gaar ah ula kulmay Shacabka Reer Qolujeed oo ah halkii uu suldaankani ka bilaabay Rabshadaha uu wado, waxana uu ka dhegaystay Cabashooyin tiro badan oo dadkaasi qabaan oo uu dhegaha u raariciyey.

Shacabka reer Qolujeed, ayaa sheegay inay ka dayacan yihiin adeegyada xukuumaddu bixiso, waxana ay Wasiirka u sheegeen inay dib udhac iyo dayac badan ku qabaan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Hoggaamiyo.

Suldaanka Duurka galay ayaa kasoo jeeda Deegaanka uu wasiirku gaadhay, waxana ay shacabka halkaas deggeni taageero u muujinayaan In si cad loo sheegto cabadhooyinkooda iyo dayaca ay xukuumaddu ku daawanayso.

Wasiirku waxa uu shacabka Reer Qolujeed u sheegay inuu cabashooyinkooda u gudbin doono dhinaca Madaxtooyada si wax loog qabto dhibaatooyinka dadkaas haysta, waxana uu  usoo kicitimay dhinaca magaalada Hargeysa oo uu xafiiskiisu yahay.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed