|

wasiir ka tirsan xukuumada Siilaanyo oo khilaafka Wakiiladu gilaafteen

Hargeysa Feb 15,2014(SDN)-Wasiir ka tirsan xukuumada madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa waxa uu haatan u muuqdaa in uu eeday goon uu Ku diiday ka qeyb qaadashada ololaha xukuunadu ka wado Gollaha Wakiilada Somaliland.

Wasiirkan ayaa abaal uga haya Guddoomiyaha Wakiilada Md Cabdiraxmaan Cirro dedaalkii uu ka geystay guushii Kulmiye ee doorashooyinkii madaxtooyada.

Wasiirka wasaarada Maaliyada Somaliland Md Cabdicasiis Samaale ayaa diiday in uu bixiyo kharashaadka ololaha lidiga Ku ah Guddoomiyaha Wakiilada .

Wasiir Samaale ayaa waxa uu saxaafada u sheegay intii khilaafku socday in hadii aanu Cirro taageerin isbedelii dalka ka dhacay in aanu Kulmiye guuleysteen.

Si kastaba ha ahaatee ilo wareedyo ku dhaw madaxtooyada ayaa sheegaya in  madaxtooyada Somaliland ay arinkaa aad uga xumaatay.

waxaana haatan jirta in la doonayo in wasiir Samaale xilka lags qaado.

SDN-Hargeysa.

contract@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed