|

Wasiir Hore Uga Tirsanaan Jirey Maamulka Puntland Oo Ciidanka Qaranku Gacanta Ku Dhigeen Iyo Khasaare Dhimasho Oo Ka Dhashay Soo Qabashadiisa

Carro-weyn:April,09,2015(SDN/QJ)-Wararka laga helayo Degmada Widhwidh ee Gobolka Buuhoodle, ayaa sheegay in ciidanka qaranka saaka aroortii hore gacanta kusoo dhigeen wasiir hore uga tirsanaan jirey Maamulka Puntland, kaas oo arrimo macdan baadhiseed ka waday Deegaanka Carro-weyn oo ah Gudaha somaliland.

kukeWasiirka oo lagu magacaabo Maxamed Faarax  Aadan, ayaa waxa weheliyey 5 nin oo kale waxaana uu watay gaadhi uu isagu gaar u leeyahay,raggan la socday ayaa isugu jiray rag macdanta aqoon u leh,iyo sidoo kale shaqaale  iyo qaar uu u watay qodaalka buurta.

Ka dib waxaa ka war helay ciidanka qaranka Somaliland ee degan magaalada Widh-widh iyadoo sida wararku sheegayaan ay shacabka deegaanku wargelin siiyeen,waxaana ku soo baxay ciidan uu wato taliyaha  ciidanka qaranka ee degmada Widhwidh  Sagaar Mursal Faarax, waxaana nimankaa iyo ciidanka dhex-maray is rasaasayn ka dib markay u hogaansami waayeen ciidanka oo socdaalkoodu ahaa inay ogaadaan xaalada dhabta ah ee meesha ka jirta.

Israsaasayntaas, ayaa la sheegayaa inay keentay dhaawaca Midka mid ahaa ciidankii uu watay Wasiirkaas hore, kaas oo goor dambe ku geeriyooday Cisbitaal ku yaalla Magaalada Lascanood, waxana Ciidankii ay Gacanta kusoo dhigeen Afar Nin oo iyagoo Bedqaba lala soo qabtay Ninkaas wasiirka ahaan jirey, iyadoo mid kalena halkaas ka baxsaday.

Maxaabiistaas, ayey ciidanka qaranku geeyeen dhinaca Magaalada Widhwidh, waxana lagu hayaa halkaas.

Magaalada buuhoodle oo uu ka soo jeedo wasiirku ayaa abaabul dhan ciidan iyo odayaynba abaabulkeeda lagaga jiraa iyadoo xidhiidhka taleefan ee waanwaantu yahay mid joogto ah haddana  waxaa xiisadu sii laba kaclaysay ka dib markii la soo sheegay dhimashada askariga dhaawaca ahaa.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed