|

Wasiir Hore Oo Sheegay In Masuuliyiinta Beesha Dhexe Aan Laga Wareejin Gaadiidka Dawladda, Qaataanna Mushaharkooda Marka Xilalka Laga Eryo  DAAWO

Hargaysa 16. February 2017 (SDN/QJ):-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Khayraadka Biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cabdulle, ayaa Caddaalad-darro ku sheegay in Wasiirrada Xilka laga qaado ee ka soo jeeda Dhexe ee Somaliland ay Mushaharkooda iyo Gunnadooda qaataan, kuwa ka soo jeeda Beelaha Darafyadana laga jaro.

Xuseen Axmed Cabdulle, wuxuu layaab ka muujiyey Sababta Masuuliyiinta ka soo jeeda Beesha dhexe oo Xilalkii laga qaaday ay u wataan Gaadiidka Dawladda, una qaataan Mushaharkii ay qaadan jireen markay xilalka hayeen iyo waxa looga jaray Mushaharka Masuuliyiinta ka soo jeeda Beelaha Darafyada ee Xilalka laga qaaday.

Ugu horeyn Xuseen Axmed Cabdulle wuxuu ka ka hadlay Tirada Golaha Wasiirrada Somaliland ahaayeen intaan isaga Xilka laga qaadin iyo Tirada ay Imika yihiin, “Markaan Wasiirka ahaa Golaha (Wasiirradu) wuxuu ahaa 46, imikana waxa lagu leeyahay waa illaa Toddobaatan.”

Mr. Cabdulle oo u warramay Telefiishanka Star, ayaa sheegay in isku-shaandheymaha uu sameeyo Madaxweynuhu sahaydaan Masuuliyiinta ka soo jeeda Beelaha Darafyada isla-markaana ay wax kala fogeyso, “Isku-shaandheynta waxa loo sameeyaa ama loogu talo-galay inuu wax beddelo. Had iyo jeer marka isku-shaandheynta waxay Seeftu ku dhacdaa Wasiirrada ka soo jeeda daafaha Somaliland (Beelaha Darafyada), kuwaasi oo markii hore ee ay Wasiirrada ahaayeenba aan Xilal waaweyn Gacanta ku haynin, waxaana isku shaandheyn kasta ku jira Wasiir, Laba Wasiir ama saddex Wasiir oo Daafaha Somaliland ka soo jeeda” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waxa intaa raacda marka Wasiirkaa la beddelo Maalintaas ayaa Xadhigga loo gooyaa, Marka miyaanay Caddaalad-darro ahayn marka Wasiirka Beesha dhexe Xilka laga qaado in  loo daayo Mushaharkiisii, Gunnadiisii iyo Gaadhigiisii, Wasiirka ka soo jeeda Beelaha Darafyadana lagu yidhaahdo Suuqa ku dhaqaaq. Arrintaasi waa Caddaalad-darro oo wax ayuun bay sii kala fogeysaa.”

Mr. Cabdulle oo la waydiiyey wuxuu arrintaasi ku caddeynayo, ayaa ku jawaabay, “Waa Arrin jirta oo Anigaa idiin caddeynaya waxayna ku dhacday Aniga iyo Rag kaleba. Waxa dhacda in marka nin Wasiir ah Xilka laga qaado la yidhaahdo waa Xil-suge oo uu qaato  Mushaharkiisii, waxa jira Wasiirro aan la odhanin Habartaa yay tahay oo Suuqa lagu sii-daayo, waana Caddaalad-darro.”

Comments are closed