Wasiir hore oo ka badbaadey Qaraxii Naasa-hablood oo shaaciyey in Dawladu gacan saar la leedahay DHAGAYSO
Muqdisho 28.June 2016 (SDN/QJ):- Qaraxii argagixiso ee Galabnimadii Jimcihii ka dhacay Huteel Naasahablood 1 ee Magaalada Muqdisho ayaa Tiro dad ahi ku dhinteen Kuwaas oo uu ku jiray Xubin ka Tirsan Golaha Wasiirada ee dawlada Federaalka Somalia,Sidoo kale Wuxuu Qaraxani gaystay Dhaawac iyo Khasaare hantiyeed.
Siyaasi Salaad Cali Jeelle oo Xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumadii Ku meel gaadhka Somalia ayaa sheegay inuu ilaahay ka badbaadiyey Qaraxaasi Waxaanu xusay in Dawlada Federaalku ay gacan saar la leedahay argagixisada.