Wasiir Hore Oo Ceeb Ku Tilmaamay In Cid Gaar Ahi Sheegato Waxqaadka Madaxweynaha, Dadkana Cod Kaga Raadsato
Hargaysa 20. October 2017 (SDN/QJ):- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warshadaha ee Xukuumaddii UDUB Axmed Cali Ubaxle, ayaa Ceeb ku tilmaamay in Siyaasiyiintii hore uga mid ahaan jiray Xukuumaddu ay si gaar ah ugu Faanaan Waxqabadka Madaxweyne Axmed-Siilaanyo.
Axmed Cali Ubaxle oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Shacabku ay Dawladda xaq ugu leeyihiin inay wax u qabtaan, sidaasi darteed ay khalad tahay in Masuuliyiin ka mid ahaa Xukuumaddu ay si gaar ah u sheegtaan Waxqabadkaa isla-markaana Shacabka Cod kaga raadinayaan, iyagoo Waxqabadkaa ku Manno-sheeganaya.
Mr. Ubaxle oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Masuuliyiintii ka mid ahaan jiray Xukuumadda ee wixii Ummaddu lahayd wax idiinka qabtay haba yaraadee ee Maanta ku Manno-sheeganaya eel eh Cod nagu siiya, waxaan leeyahay Runtii waa wax laga Xishoodo waa Arrin laga Xishoodo, waa Arrin Caqliga iyo Garashada Ummadda Ceeb ku ah. Markaa waxaan leeyahay Ragga Maanta ku Manno-sheeganaya Waxqabadkii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo lahayd waxaan leeyahay waar Caqliga Ummadda ka xishooda oo wax isku fala, Waayo? Dadku waxay xaq u leeyihiin in wax loo qabto in wax loo qabto.”
Axmed Cali Ubaxle waxa kale oo uu sheegay “Ragga Waddooyinka sheeganaya inay iyagu Dadka u dhiseen ayaa Maanta igu khasbaya ayaan Anigu waxqabadkayga Sheego oo aan idhaahdo Saldhigga Booliiska ee Degmada Qori-lugud markii ugu horreysay Anigaa Jeekayga uga dhisay Dadka Degmadaasi, iyadoo Maxaabiista lagu xidho Taayir Geed Hoostii yaalla. Anigaa Jeebkayga uga dhisay, Hay’ad ugama soo qaadin, Wasaarad Dawladeed ugama soo qaadin, markaa waxaan leeyahay Waxqabadkaygaa dartii Xisbiga KULMIYE iyo Musharraxiintiisa Gacan hala siiyo oo hala taageero..”ayuu yidhi.