|

Wasiir Geedoole Oo Maanta Hay’adda Life International Kala wareegay Dhir iyo Siidh cusub Oo Dalka Ka Maqnaa

Hargeysa:9-sep(SDN)-Wasiirka wasaaradda Beeraha Somaliland ayaa maanta kala wareegay Hay’adda Life         International oo kala shaqaynsa dhinaca Beeraha kala wareegay Siidh  ka kooban noocyo badan oo dhir ah iyo Geedo kale oo la doonayo in waddanka lagu tijaabiyo.

geedooleMunaasibad kooban oo wasiirku kula wareegayey dhirtan iyo siidhkan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda Beeraha Somaliland, ayaa waxa ka soo qayb galay madaxda wasaaradda Beeraha Somaliland, Maamulaha Hay’adda Life International iyo marti sharaf kale oo aad u badan, waxana halkaas hadallo kooban ka soo jeediyey wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland iyo maamulaha Hay’adda Life international Jaco laurance.

 

geedka dheerWasiirka wasaaradda Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole oo Halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay Geedahan iyo siidhkan uu maanta kala wareegayo Hay’ada Life International oo uu sheegay inay yihiin qaar waddanka ka maqnaa oo aad loogu baahan yahay.

“Waxan aad ugu mahad naqayaa Hay’adda Life International oo nagala shaqaysa waxyaabo badan oo beeraha la xidhiidhaj, nagana caawisa  inay  dalka keento wixii geed-midhood ah ee dalkeenna ka maqan.” Ayuu yidhi wasiir Geedoole.

geed1

Wasiirka ayaa sidoo kale sharraxaad dheer ka bixiyey dhirtan iyo siidhadhkan uu maanta kala wareegayo Hay’adda  Life International  iyo noocyada dhirta ee ay ka kooban yihiin oo uu sheegay inay uga dirsadeed dalka south afrika, waxana uu yidhi,Waxa sharaf weyn ii ah inaan halkan kula wareegayo dhawr nooc oo geedo ah oo ay ka mid yihiin saytuunka Qur,aanka lagu sheegay, dhawr geed oo cambaruud ah, dhawr geed oo mishmish ah, saddex nooc oo geedka fursugga ah oo midkiiba yahay ilaa shan geed, dhawr geed oo cinabka cad ah, dhamaan geedahaasna waxanu Hay’adda Life International uga dirsanay dalka South Afrika, waxana noo weheliyo dhir  badan oo strawberry ah oo aanu Kenya ka keenay iyo cananis badan oo aanu u keenay inaanu tijaabino.”

 

geed3

Sidoo kale waxa uu wasiirku sheegay inay dhirtan dhamaanteed tijaabo gelayso laguna tijaabinayo dhamaanba Gobolada iyo Degmooyinka Dalka, Haddii ay Tijaabadaaas dhaafaanna kuwa  kale oo badan la dalban doono si waddanka loogu baahiyo, maadaama ay yihiin dhir aynu baahi badan u qabno oo faa’iidooyin badani inoogu jiraan.

Wasiirka ayaa saxaafadda u soo bandhigay siidhadh uu hore uga keenay dalka Maraykan oo haatan qaarkood baxayaan qaarna tijaabo ku jiraan, waxana uu tilmaamay inay u muuqato kuwo guulaysanaya, waxana uuu yidhi, “Siidhka halkan idiinka muuqdaana waa qayb ka mid siidhkii aanu maraykanka ka keenay tijaabo ayuu ku jiraa intii aanu tijaabinayna wax guul darro ah kamaan arag”

geed4

Wasiir Geedoole ayaa  xusay inay wasaarad ahaan  qabaan rajo fiican oo ah inay ku guulaysan doonaan hammiga ay leeyihiin, waxana uu yidhi, “Ilaahay waxa aanu ka rajaynaynaa inaanu ku guulaysanno hammigayaga aanu leenahay oo ah sidaanu u kordhin lahayn wax soo saarka dalka una kala duwi lahayn waxyaabaha dalka laga beero.”

Maamulaha Hay’adda Life International Jaci Laurance oo goobtii uu wasiirka ku guddoonsiinayey siidhadhkan iyo dhirtan ka hadlay, ayaa sheegay inay ha’addiisa ka go’an tahay inay wasaaradda Beeraha Somaliland ka caawiyaan inay dalka ku beerto dhir badan oo geed-midhood ah oo haatan ka maqan, si looga kaaftoomo baahiyaha kale oo kaga xidhan waxyaabaha dhirtaasi manfac leedahay, waxana uu xusay inuu ku faraxsan yahay horumarka ballaadhan ee Guud ahaanba Somaliland ku tallaabsatay, gaar  ahaan wasaaradda Beeraha Somaliland ayuu horumarkeeda muuqda si weyn u ammaanay.

geed5

Mr Laurance ayaa sidoo kale xusay in si daacad ah ay ugu dadaali doonaan inay dalka Somaliland ka haqab tiraan dhamaanba wixii dhir iyo khudrad ah ee haatan ka maqan, islamarkaana ka caawin doonaan ardayda iyo cid kasta oo cilmiga beeraha u jeellan inay baraan sida ay dhirtan iyo siidhadhkan si hufan ugu beeri  lahaayeen, gaar ahaanan uu diyaar u yahay inuu ardayda tuso sida siidhkan loo beero.

Ugu dambayntii Mr Laurance ayaa halkaas wasiirka wasaaradda Beeraha ku guddoonsiiyey  Dhirtii uu ka keenay dalka South Afrika oo la rajaynayo inay dalka ka bixi doonto.

 

Somalidiasporanews.com

Axmed Cumar Axmed

Hargeysa\somaliland.

 

Comments are closed