|

Wasiir Fiqi oo mooshin ka dhan ah Baarlamaanka la hor keenay

Muqdisho September 28, 2024(QJ) -Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa mooshin ka gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

Xildhibaanada Mooshinka gudbiyay ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay arrimo dhowr ah oo ay ku sheegeen inuu ku fashilmay Wasiirka. Waxaa ka mid ah in la dayacay xiriirkii diblumaasiyadeed ee Soomaaliya ay la lahayd dowlado iyo ururo muhiim ah, iyo dadaal la’aanta la filayo in lagu xaliyo arrimaha diblumaasiyadeed, sida muranka badda ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Mooshinkan ayaa ka mid ah talaabooyinka muhiimka ah ee Golaha Shacabka ay ku doonayaan inay dib u eegis ugu sameeyaan madaxda dowladda, waxaana la filayaa in Wasiirka uu iska difaaco kana jawaabo eedeymaha loo jeediyay.

Arintaan ayaa kusoo aadeysa xili dowlada iyo baarlamaanka ay ka jiraan qalalaase siyaasadeed, iyadoo ay soo ifbaxayaan khilaafyo la xiriira maamulka iyo awood qeybsiga xilalka muhiimka ah ee dowladda.

Tallaabadan siyaasadeed ee ka dhanka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa laga yaabaa inay saameyn ku yeelato siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, gaar ahaan xiriirka dhow ee ay dowladdu la leedahay dalalka gobolka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Waxaa la filayaa in kulamada Baarlamaanka ee soo socda looga doodi doono Mooshinka, iyadoo Xildhibaanada kasoo horjeeda Wasiirka ay wadaan abaabul xoogan oo xilka looga qaadayo

Leave a Reply