|

Wasiir Fiqi oo ka falceliyay muuqaalkii Al Shabaab

Muqdisho June 19, 2024(QJ)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dacaayad ku tilmaantay muuqaalka ay soo bandhigtay Al-Shabaab, kaasoo lagu soo bandhigay dagaalyahanno cusub oo tababar qaatay.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in muuqaalkan uu muujinayo in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay dagaalyahannada Al-Shabaab u bedeleen jilayaal Hollywood ah.
“Waxaan arkay qaar ka mid ah kooxaha argagaxisada ah oo sameynaya muuqaal dacaayad ah & buunbuunin, taasi waxay muujineysaa inay daciifnimadooda ku qarinayaan filim si wanaagsan loo soo saaray, dhanka kale waa ciidankeena qaranka oo dagaalyahanada Al-Shabaab ka dhigay jilaayaal Hollywood ah. ” ayuu yiri Axmed Fiqi.
Hadalka ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa yimid saacado kadib markii Al-Shabaab ay soo bandhigeen muuqaal aad u balaaran oo ay kusoo bandhigeen dagaalyahanadooda oo dhoolatus ciidan sameynaya. Warbaahinta xiriirka la leh Al-Shabaab ayaa sheegtay in muuqaalkan lagu turjumay 7 luqadood.
Soo bandhigida muuqaalkan ayaa u muuqata mid ay Al-Shabaab ku doonayso inay dagaalyahano badan uga qorto gobolka, iyadoo lagu turjumay afafka Soomaaliga, Ingiriiska, Carabiga, Amxaariga, Oromada, Sawaaxiliga iyo Faransiiska.

Comments are closed