Wasiir Faratoon oo ka Hadlay Guddoomiyihii Sarriflayaasha Hargeysa oo Saldhigga Booliska ku Dhintay
Hargaysa 27. January 2017 (SDN/QJ):-Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Maxamuud Ciir (Faratoon), ayaa ka hadlay geerida Guddoomiyihii Sarriflayaasha magaalada Hargeysa oo ka mid ahaa shan Ruux oo Sarriflayaal ah oo Ciidanka Ammaanku ku xidhay Saldhigga dhexe ee Booliska Hargeysa oo uu ku geeriyooday.
Guddoomiyihii Sarrifleyaasha magaalada Hargeysa Cabdillaahi Cali Bare, ayaa Shalay ku geeriyooday Saldhigga dhexe ee Hargeysa oo doraad lagu soo xidhay, ka dib markii ay isaga iyo Xubno kale ka hor-yimaaddeen fulinta go’aankii Xukuumaddu ku soo rogtay in lagu xakameeyo qiimaha lagu sarrifo Lacagta Doollarka ah.
Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliland Yaasiin Xaaji Max’uud Ciir oo markii uu Maanta geeriyooday Marxuumku ka dib Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da la hadlay, ayaa sheegay in geerida Marxuumku wax xiidh ah la laheyn xadhiggiisa. Balse, waxa uu sheegay inuu ka shakisan yahay in Ilig ka dhacay u raacay Quraacdii uu cunayey saaka.
Waxaanu Wasiir Faratoon oo arrintaas ka hadlayaa, yidhi; “Wuu Quraacanayay, waxaan u maleynayaa mid ka mid ah Ilkiisa oo dhacday in ay raashinka u sii raacday oo cunaha ka joogsatay, Dhakhtarka ayaa loola cararay intii la sii waday ayuu dhintay.”
Dadka loo xidhay ka hor-imaanshaha go’aannada Xukuumadda Somaliland soo saartay Salaasadii toddobaadkan ee lagu xakamaynayo qiimaha Sarrifka Doollarka oo Cirka isku shareeray toddobaadyadii u dambeeyey, ayaa inta la xaqiijiyey ah Lix Qof oo Shan uu Marxuumka geeriyooday ka mid yahay Sarriflayaasha Suuqa Hargeysa ka tirsanaayeen, halka Ninka lixaadna yahay Cabdiwahaab Maax oo ah Madaxa Xafiiska Horumarinta Bulshada ee Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom oo go’aammada Xukuumadda ku tilmaamay kuwo siyaasadeed oo Ganacsato gaar ah loogu danaynayo oo aanay suuragal ahayn fulintoodu.