“Wasiir fanka halloo fasaxo xorriyadiisa oo yaan la cabudhunin shacbiguna idinkama fadhiyee cidda kaliya ee maaweelisaa waa xiddigaha Geeska. Madaxweynahana ……” Suldaanka Guud ee Somaliland
Hargeysa:April,06,2015(SDN/QJ)-Suldaanka Guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa Ka hadlay khilaaf soo kala dhexgalay Hoggaanka Kooxda Fannaaniinta Xiddigaha Geeska iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse.
Suldaanka oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta dalka, ayaa sheegay in kooxda Xidigaha Geesku yihiin Koox isku xidhan, isla-markaana wax ka beddeshay Haybada iyo Muuqaalkii uu hore u lahaan jirey Fanka Soomaalidu.
Suldaanku waxa uu sheegay in tallaabada uu wasiir Cukuse kaga joojiyey Fannaaniinta Xiddigaha Geeska Heesahooda qaar kamid ah Warbaahinta Dawladdu ay tahay mid dhaliil ku ah Xukuumadda oo aan la qaadan Karin,
“fanka somalida berigii hore wax foolxun baa loo haystay walina wax magacii xumaa ka dulfayday waxanu aragnaa Xiddigaha geeska, waayo waxad arkaysaa dadka dhallinyarada ah ee kusoo rooraya kooxdaasi fanka wajiga ay usoo dhigtay inuu jeclaysi leeyahay. Waxan maqlay in heesihii waddaniga ahaa in TV-ga iyo Idaacadda labadaba laga mamnuucay, sababtana ma aanu fahmin.heesahaas qaranku intay tarayaan ilaahay iyo umadda ayuun baa og, halkii umaddu waxgelinta ka helaysay in la yidhaahdo lama siidayn karo waa dhibaato iyo dhaliil xukuumadda u taalla.” Ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.
Suldaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa farriin u diray Wasiirka Warfaafinta, waxana uu hoosta ka xarriiqay in Haddii fannaanta la colaadiyo iyo ka dhalato cawaaqib xumo aan u fiicanayn cidda xukunka Haysa, waxana uu yidhi,
“wasiirka warfaafinta wasiir waxan ku leeyahay idaacadda iyo Tv-ga qaranku waxay ku dhisan yihiin waa fannaaniinta iyo suugaanta, Haddii lala colloobo kooxdan waa fankii oo la colaadiyey, fankana haddii la colaadiyo, laba meelood uun baa xukuumad ridi kara, qaybi waa ardayda laakiin qaybta ugu culusi waa suugaan yahananada iyo fannaaniinta, Xidigaha geeskuna ma aha dad la dhayalsado, waana dadka ilaa maanta heesaha qarankee waddaniga ah Bulshada intay ku qaadeen bulshadu ku ogaatay qaranimada.”
Suldaanku waxa uu ku baaqay in Xuquuqda Kooxda Xiddigaha Geeska lagu dedaalo oo meel la saaro, waxana isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,
“nimankaas fannaaniinta xiddigaha Geeska waxan leeyahay aad halloogu fiirsado xuquuday dalka ku leeyihiin iyo Hawlaha ay dalka u hayaann Haddaan meel lagu tiirina talo farahay ka haadi doontaa.”
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu Wasiirka Warfaafinta iyo Madaxweynahaba ugu baaqay inay cabudhinta ka daayaan Fannaaniinta, waxana uu yidhi,
“Wasiir fanka halloo fasaxo xorriyadiisa oo yaan la cabudhunin shacbiguna idinkama fadhiyee cidda kaliya ee maaweelisaa waa xiddigaha Geeska. Madaxweynahana waxan leeyahay yaan lagaala hoos bixin xiddigaha Geeska”
Khilaaf aan sababtiisu caddayn ayaa muddooyinkan ku dhex jirey Wasiir Cukuse iyo Hoggaanka sare ee Kooxda Xidigaha Geeska, waxana la sheegayaa in khilaafkaasi gaadhay hees dhaleecayn iyo afxumo badan la isweydaarsado.
SDN/QJ