Wasiir CV-giisa ku soo darsaday xil uu ka hayn jirey maamulka Puntland oo muran ka dhex dhaliyey xildhibaanada Golaha wakiillada Somaliland
Hargeysa:2-Sep-2013(SDN)-Maalintii shalay waxa Golaha wakiillada Somaliland lagu ansixinayey in ka badan Siddeed wasiir oo ka mid ah Wasiirradii dhawaan madaxweyne Siilaanyo degreetada ku magacaabay.
Wakhtigii ansixinta wasiirradan oo sida sharcigu qabo ay xoghaynta Golaha waajib ku tahay inuu masuul kasta akhriyo Dekreetada madaxweynuhu ku magacaabay oo ay ku lifaaqan tahay CV-giisa Aqooneed iyo ka waayo-aragnimo, ayaa waxa markaliya madasha ka dhex dhashay guux iyo sawaxan ay qaar ka mid ah xildhibaanadu isla oogsadeen.
Markii Xog-haynta wakiilladu ay Akhriyeysay Cv-ga wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Cali Jaamac Faarax Buureed ee Dhawaan la magacaabay, ayaa wax aka soo boodday xilal isdaba taxan oo uu ka soo qabtay maamulka Puntland oo ay ugu weynayd wasiirka madaxtooyada Maamulkaas.
Xildhibaanada Golaha wakiillada Somaliland gaar ahaan kuwooda mucaafidiinta lagu tilmaamo oo uu ugu horreeyo xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, ayaa aad uga gubtay xilal maamulka Puntland ee wasiirku Derejo ahaanta u isticmaalay, waxana uu xildhibaanku dhawr goor u holloday inuu wasiirka kalluumaysiga laf ahaantiisa wax ka weydiiyo arrintan.
Balse nasiib-darro isku daygii xildhibaan caynaan waxa hal bacaad lagu lisay ka dhigay shir-guddoonka Golaha oo ka diiday inuu su,aashaas weydiiyo wasiirka, waxana islamarkii uu xildhibaanku Hadalkiisa is yidhi bilowba laga wareejiyey amarkii hadalka lagu siiyey.
Xildhibaan caynaan ayaa si aad ah iskugu dayey inuu shir-guddoonka iyo xildhibaanadab ku qanciyo inaanay habboonayn in xil laga soo qabtay maamulka Puntland oo ah qayb ka mid somaliya golaha sharafta leh dhexdooda lagaga faano, cidise hadalkiisii dheg jalaq umay siinin.
Xildhibaan caynaan oo Golaha dhexdiisa ka waayey cid kale oo damiirkeeda waddani-nimo nool yahay ayaa dibadda iskaga baxay, waxana ishu qabanaysay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo aad uga cadhooday su’aasha xildhibaanka, meel sokena wax ka eegay.
Guud ahaanna marka la eego jawigii shalay ee Golaha wakiillada iyo sidii lifaaqa Cv-ga wasiirka ku faanay xilkii uu puntland ka soo qabtay looga arkay ma ahayn mid la soo dhaweeyey, waxase muuqatay inay badiba xildhibaanadu iska giijinayeen inay badheedhahooda ka dhiibtaan aragtida aan Somaliland-nimada ku habboonayn ee wasiirka kalluumaysigu la horyimi.
Kalsoonidan uu wasiirka Kalluumaysigu la soo badheedhay inuu la soo shaqeeyey Golaha wasiiradda Maamulka Puntand, ayaa u muuqda inuu ahaa mid uu ku dirayey farriin ah inuu yahay nin aan la dhayalsan Karin oo soo qabtay jagooyin wasiirnimo oo ay ku jirto wasaaradda madaxtooyadu, waxase ay arrintani tahay mabda’iyan mid aan sax ku ahayn in Golaha wakiillada hortooda lala yimaaddo xil laga soo qabtay maamul inaga soo horjeeda, iyadoo waliba tan wasiirku u ekayd mid Is derejayn ah.
Haddii Haddaba qofka loo fasaxo inuu Golaha hortooda la yimaaddo xil uu maamula qarankana ka soo horjeeda ka soo qabtay, waxa ay taasi dhiirrigelinaysaa in qof kastaa wax caadi ah u arko inuu ku faano xil uu meel kale ka soo qabtay, halkii uu ka qarin lahaa, waxana suurto gal ah inay kuwa reer Somaliland-ka ah ee haatan Muqdisho ku maqani inay Berri yimaaddaan ay yidhaahdaan xilalkaasaanu soo qabannay meelo fiican hannala siiyo.
Somalidiasporanews.com
Axmed Cumar Axmed
Hargeysa/Somaliland
Contact@somalidiasporanews.com