Wasiir Cukusoow iminkuunbaad Ciin daaqday
Hargeysa Feb 07,2014(SDN)-Wasiirka Warfaafinta ee Jamhuuriyada Somaliland Md Cabdilaahi Cukuse ayaa intii xisbiga Kulmiye uu qabtay talada dalka ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu guulwadeysan ee jawaabaha uu siiyo mucaaridku aaney maraba ka maqnaan jirin ciwaanada Saxaafada.
Balse waxa uu ilaa iyo haatan ka gaabsan jiray u jawaabida siyaasiga ugu weerarka badan xukuumada Axmed Siilaanyo oo ah guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe.
Waxase saxaafada iyo reer Somalilandba hadal heyntooda ku badnaa ilaa shalay hadal saxaafada dhegteeda ku dhacay oo uu wasiir Cukuse ku aflagaadeeyay Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha UCID oo looga bartay hadal adeyg ayaan ilaa hatan ka soo jawaabin hadalada deelqaafka ku ah siyaasada ee ka soo yeeray Wasiir Cukuse.
Waxaana haatan la isweydiinayaa Jawaab noocee ah ayuu Guddoomiye Faysal siin doonaa wasiirka warfaafinta Somaliland?
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com