|

Wasiir Cukuse Oo Saxaafaddii iyo Xukuumaddii Dhimbiilo Kala Dhex Dhigay iyo Univeral TV Oo Xalay Soo Bandhigtay Inaanu Madaxweyne Siilaanyo Talada Haynin

Hargeysa:July,29,2014(SDN/QJ)-Colaadda iyo Nacaybka u dhexeeya Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Saxaafadda Madaxa Bannaan ayaa Taariikhda Markii ugu horraysay Gaadhay Halkii ugu sarraysay, iyadoo taasna Sabab looga Dhigay Wasiirka Warfaafinta oo aaminsan in Cabudhini ay xal u noqon karto Libin laga Gaadho Warbaahinta.

oodeTv-ga Universan oo muddo ka hor uu Wasiir Cukuse dalka ka mamnuucay   inuu ka Hawl-galo, ayaa  Xaruntiisa Hargeysa ku Duubay Barnaamij Maalinta Ciidda loogu talo galay, kaas oo Kooxda Xidigaha Geeska oo uu wasiirka Laftiisu mushahar siiyaa ay Udub-dhexaad u ahaayeen ama lagu waraysanayey.

Universal TV. Ayaa isagu Muuqaalkaas Studio-giisa lagu duubay u adeegsaday inuu kaga Aarsado colaadda uu cukuse ugu abuuray somalilad dhexdeeda, waxana uu si ula kac u dhex geliyey Muuqaallo muujinaya Madaxweyne Siilaanyo oo ay Hareerihiisa ka niikinayaan Haween saddex ahi, isla-markaana si layaab le hula dhacsan Niikiska agtiisa ka dhacaya.

Dadka Arrimaha dadban ee Film Cartoon-ka loo yaqaano fasira ayaa muuqaalka Madaweynaha laga Sameeyey ku sheegay In loola jeedo inaanau madaxweyne Siilaanyo wax talo ah gacanta ku Haynin, isla-markaana uu ku faraxsan yahay  Waxa loo yeedhayo ee dadka u yeedhiyana ay Haween ka mid yihiin.

Arrintaas ayaa ku soo beegantay xilli uu  madaweyne Siilaanyo Safar nasasho ah ku joogo London, waxana ujeeddada loogu soo beegay tahay in Kooxda TV-ga iyo madaweynuhu ay Bannaan iska helaan, maadaama xaruntiisu tahay Magaalada London.

Wasiirka Warfaafinta oo isagu arrinta kusoo  baraarugay xilli muuqaalkaasi ka baxay Tv-yada Somalia laga leeyahay oo tilmaamayey in Barnaamij laga soo diyaariyey Caasimadda Labaad ee Somalia oo ay Hargeysa ku sheegayeen, ayaa xadhig la miciinsaday Wakiilkii Universal TV U joogay Hargeysa oo wali jeelka ku jira.

Colaadda uu wasiir cukuse kala dhex dhigay Xukuumadda iyo  warbaahinta ayaa Haatan meeshii ugu xamaasadda Badnayd Maraysa, waxana aan Muuqan wax waanwaan ah oo saxaafaddu ka gelayso Dagaalka ay ula badheedhay Xukuumaddan Gabalkeedu sii dhacayo oo muddadeedu gabaabsiga tahay.

Kaliya Ujeeddada uu wasiiku ka leeyahay Colaadda iyo cuqdada uu maddaxweynah u gelinayo Warbaahinta, ayuu uga dan leeyahay inuu Madaxtooyada dhexdeeda kaga Kasbado Taageero iyo tahniyad, balse wax aka xun waxyaabaha ka dhashay iyo muuqaalada Anshaxa ka baxsan ee ay Baahinayaan warbaahin aanay xukuumaddu wax tallaabo ah ka qaadi Karin.

Waxa la filayaa inuu madaweyne Siilaanyo kulamo la qaato Hoggaanka Tv-ga Universal oo London ku sugan, waxana suurtagal ah in laga wada Hadlo sidii loo wada shaqayn lahaa, maadaama ay xukuumaddu haatan ogaatay inaan colaadi waxba ka tari Karin saxaafad ku shaqaysa amar meel kala soo baxa.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed