Wasiir Cukuse Oo Sabab La Yaab Leh Xabsiga u Dhigay Wariye Ka Hawlgeli Jirey Wargeyskii Haatuf
Hargeysa:Jan,13,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa la sheegayaa inuu maalintii shalay xabsiga dhigay Wariye Naasir Aadan oo ka hawlgeli jirey Wargeyskii xukuumaddu xayirtay ee Haatuf, kaas oo haatan si madax bannaan uga shaqaysta Magaalada Hargeysa.
Wariyahan ayaa shalay galabtii si kedis ah xabsiga loogu taxaabay, kadib markii ay u hoggaansameen amar kasoo baxay Wasiir Cukuse, kaas oo uu si fudud ugu hoggaansamay Taliye Fadal oo caan ku ah dhego nugaylka Qardoofooyinka ka dhanka ah Saxaafadda Madaxa Bannaan.
Iskudayo Qurejoog.com isku dayday inay ku ogaato sababta keentay In wariyahan la xidho, ayaanu ku ogaanay in Wasiir Cukuse uu Xadhigan ka dambeeyey, isagoo daba socda Waraysi uu wariyahani doraad ka qaaday Guddoomiyaha Jaaliyadda dalka Sweden oo uu wasiir cukuse isaga laftiisa dhawaan ku xidhay Saldhigga Garoonka magaalada Hargeysa.
Guddoomiyaha Xidhiidhka Jaaliyadda Somaliland ee Sweden, ayaa waraysigaas ku sheegay inuu Dacwad ka dhan ah Wasiir cukuse u gudbiyeen maxkamaddo ku yaalla Dalka Sweden si looga ashkatoodo Xadhiga Wasiirku sida cad ugu xidhay Guddoomiyaha Jaaliyadda oo saacado ku xidhnaa Magaalada Hargeysa.
Wasiir Cukuse ayaa la sheegayaa in markii uu ogaaday inuu Wariye Naasir Aadan yahay qofka waraysigaas qaaday uu Taliyaha Ciidanka amray in lasoo qabto Wariyaha, isla-markaana Xabsiga la dhigo, waxana arrintaas si fudud oo aan ka fiirsasho lahayn u fuliyey Taliye Fadal oo Ciidan soo qabta u diray.
Wariyaha ayaa wali ku jira Xabsi Hargeysa ku Yaalla, waxana aan wali suurtagelin in lasii daayo, iyadoo la sheegayo in Su’aalo Qarsoodi ah la weydiinayo.
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirradeeda, ayaa Dedaal dheer ugu jira cabudhinta iyo cadaadinta saxaafadda, waxana si gaar ah isha ugu hayaan Wariyayaasha ka tirsan wargeyska Haatuf oo isaga ay horeba uga qaadeen Ruqsaddii uu dalka kaga shaqaysan jirey.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com