Wasiir Cukuse Oo Ku Dhawaaqay Inuu Dhawaan Furi Doono Saddex Idaacadood Oo Cusub, Afkana Ka Xidhay Cillada Radio Hargeysa u Maqan tahay
Hargeysa:Jan,06,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa ku dhawaaqay in dalka laga sanadkan cusub laga hirgelin doono Idaacado tiro badan oo xukuumadu leedahay, kuwaas oo gaar u ahaan doono Waxyaabo kala duwan oo haatan ka Baxa Idaacadda Fadhiga ee Radio Hargeysa.
Wasiir Cukuse oo shalay ka Hadlayey Madal Tababar loogu furayey Shaqaale ka tirsan Idaacadda Radio Hargeysa, ayaa sheegay in Bilowga Sanadkan ay qoryshaha wasaaradda Ku Jirto in badiba Gobollada Dalka laga hirgeliyo Idaacado tiro badan oo ka gaar u ahaan doona Arrimaha Dhaqanka, Waxbarashada iyo Xayeysiinta oo haatan dhibaato badan ku haya Idaacadda Ciladdu hadhaysay ee Radio Hargeysa.
Wasiirka o arrimaahaas ka Hadlayaana waxa uu yidhi,
“Waxaynuy u baahanahay oo sanadkan aynu samaynaynaa Idaacad waxbarashada gaar u ah, Idaacad Dhaqanka oo kaliya u gaar ah, idaacad Xayeysiisyadan wakhtiga inaga cunay u gaar ah, markaa ku dara Ra’yiyadiina ku dara sanadkanaynu intaas samaynaynaa, walina ma hayno macallinkii idaacadaas wali.” Ayuu yidhi Wasiir Cukuse.
Wasiir Cukuse, ayaa sidoo kale sheegay inay Samayn doonaan Guddi madax Bannaan oo maamusha Barnaamijyada ka Baxa Idaacadda Radio Hargeysa oo haatan aan hawada ku jirin iyo Tv-ga qaranka, kuwaas oo uu tilmaamay inay noqon doonaan qaar madax banana, “Waxana aynu samayn doonaa Guddi TV-ga iyo Idaacadda Barnaamijyadooda xukuma oo ka duwan kuwii hore oo Tifaftirayaasha Guud ee Joogaa ay Madax ka yihiin.” Ayuu yidhi Wasiirku.
Hadalkan wasiirka ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan ay hawada Ka Baxday idaacaddii weyneyd ee Radio Hargeysa, isla-markaana Shacabku dhegeystaan Idaacado shisheeye oo xambaarsan Firkrado aan dalka munaasib ku ahayn.
Wasiir Cukuse, ayaa iska diiddan Inuu Bulshada u iftiimiyo sababta Rasmiga ah ee Idaacaddaasi u fadhido, waxana uu haatan ku tiraabayaa inuu idaacado kale dalka kusoo kordhin doono.
Sidoo kale wasiirka ayaa xilli uu ku tiraabayo inuu idaacado badan dalka ka furi doona waxay xukuumadda uu ka tirsan yahay hortaagan tahay in shacabku si gaar ah u yeeshaan Idaacado, maadaama uu Distoorku ogol yahay.
SDN/QJ