Wasiir Cukuse oo Khudbad la yaab leh ku sii Wadacay Maariyihii Telefishanka qaranka ee ay isa seegeen DAAWO
Hargaysa 21.May 2015 (SDN/QJ)- Mas’uuliyiinta Wasaaradda warfaafinta iyo shaqaalae weynaha wasaaradaasi ayaa si wadajir ah uga qayb galay Munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen maareeyihii hore ee TV-ga qaranka iyo Maareeyaha cusub ee dhowaan madaxweynuhu soo magacaabay.
Munaasabada oo ka dhacday xarunta wasaaradaasi waxaa kaloo ka soo qayb galay Mas’uuliyiin ka tirsan dawlada iyo marti sharaf kala duwan waxaana hadal kooban oo ku saabsanaa faa’iidada ku jirta in dadka wada shaqayntu ka dhexaysaa ay noqdaan team isku xidhan ka jeediyey Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Md Maxamed Cilmi Aadan Ilkacase
Marwo Shulri Xariir Ismaaciil Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta oo munaasabadaasi ka hadashay waxay sharaxday kaalinta ay shaqaalaha wasaaraddu kaga jiraan difaaca iyo horumarinta guud ee qaranka JSL, waxaana hadaladeedii ka mida ahaa
Maareeyahii hore ee TV-ga qaranka ahna la taliyaha madaxweynaha ee arimaha saxaafadda Md Khadar xasan cali gaas oo si rasmi ah xuilkii ugu wareejiyey maareeyaha cusub ayaa tilmaamay qaar ka mid ah waxyaabihii u qabsoomay mudadaii uu xilkaa hayey, waxana uu ugu baaqay shaqaalaweynaha inay halkaa ka sii wadaan dadaalkooda shaqo ee ay la dhinac taagnaayeen intii uu xafiiska joogay
Maareeyaha cusub Md Cabdi Cali Mahdi oo munasabadaasi ka hadlay waxa uu soo bandhigay qorshayaasha uu damacsan yahay inuu kaga hawlgalo mas’uuliyadda cusub ee loo xilsaaray
Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta ee JSL Md cabdilaahi maxamed Daahir Cukuse oo gunaanadkii munaasabadaasi ka hadlay waxa uu sawir cad ka bixiyey muuqaalka wasaaradda warfaafinta, ujeedada ay u xilsaaran tahay iyo qiimaha ay ugu fadhido bulshada iyo qarankaba