Wasiir Cali Sandule oo Baabuurkii Ugu Deeqay In Loogu Shaqeeyo Abaaraha Gobolka Awdal ka Taagan DAAWO.
Boorama 19.March 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Shaqadda iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamud “Cali Sandule” ayaa mar uu maanta Booqasho ku tegay Xarunta Gobolka Awdal ee Boorama Waxa uu si rasmi ah Gaadhigiisi ugu wareejiyey Isuduwaha wasaarada Shaqada iyo arrimaha Bulshada ee Gobolkaasi si uu Baabuurkani qayb uga qaato Gurmadka loo fidinayo dadka ku tabaalaysan Xaalada abaareed ee Gobolkaas ka jirta.