|

Wasiir Cali Marreexaan Oo Ka Hadlay Damaciisa Siyaasaddeed,Khilaafka La Sheegay Inuu Xisbiga Kulmiye Ka Dhex Istaadhan Yahay Iyo Himillada Uu Mustaqbalka ee uu Higsanayo

Hargaysa 01. April 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka wasaaradda hawlaha guud gadiidka iyo guryaynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed Cali (Mareexaan) ayaa ka hadlay Qorshaha wasaaradiisa uga meel-yaala Dooxyada waawayn ee soo rogmadda Xili Roobaadka isla markaasina kala xidha in ay gadiidka maraan.

Cali Mareexaan ayaa sheegay in ay dhawaan hirgalin doonaan biriishyo dhaadheer oo gadiidka u fududeeya sidii aanay ugu cadibmi lahayn daadadka xili roobaadka ku soo rogmada dooxyada,waxaana uu edeeyay xisbiga mucaaradka ah ee waddani.

Ugu Horayn wasiirka wasaarada hawlaha guud ayaa ka shekeeyay Qaabka ay ugu gurmadaan Xiliyada Roobabku da’aan bulshadda ku cadiba dooxyada in ay maraan waxaana uu yidhi. “hadda iyo jeer xilli roobaadku marka ay soo dhaw yihiin waxaanu qorshaynaa gaadiid cagaf-cagafyo iyo waliba gadiid goobaha iyo dooxyada dushooda diyaar ku ah meelihii khasaare soo gaadhna gurmadna waanu u samaynaa wixii markaas deg-deg ahna waa laga qabtaa,markaas qorshahaas waanu diyaarinay sidii aanu sanadkan iyo sanadkii ka sii horeeyayba aanu samaynay.sidaas ayuu yidhi isaga oo la hadlay HORN Cable Tv.

Intaas waxa uu ku daray   “dooxyadan immika dadka qaaday ee biriishyada hooseeya ah illaa afartankii sanno ee u danbeeyay way dhisnayeen ee maaha wax sanadkii iyo badhkii aan [Aan Wasaaradda ] joogay dhisay, markaas waxa ay u baahan yihiin qorshe dheer oo lagaga maarmo dooxyadaas loona sameeyo biriishyadii waawaynaa ee ay wadadu dulmaraysay”. Wasiirka hawlaha guud ayaa sidoo kale ka warbixiyay heshiiska xukuumadda Somaliland lasoo gashay dalka imaraadka in ay ku jiraan sagaal biriish oo waawayn kuwaas oo lagaga maarmi karo dooxyada waawayn ee dadka qaadaya. “heshiiska aanu imaraadka lasoo galnay waxa noogu jira sagaal biriish oo waawayn oo lagaga maarmi doono dooxyadaas iyo dhibatadaas hadii alle ka dhigna si dhakhso ahna u fuli doono, saddexda sanadood ee soo socda,markaas qorshaas dheer inta ka horaysa waxa la qabanayaa gurmadyo deg-dega ah. Intaas waxa uu ku daray isaga oo bulshadda fariin u diraya.”lakiin arinta muhiimka ah ee aan doonayo inaan dadka halkan uga sheego waxa weeyaan dooxyadani waa wax la ogyahay sanadkasta dad ayaa ku dhinta,waa la ogyahay in biyo ku soo dhacaan,markaas dadkan is maqiiqaya ee had iyo jeer dooxa galaya wacyi galin faro badan ayay u baahan yihiin dooxa oo soconaya waa inaan la galin oonu qofku is odhan waad ka talaabi kartaa ileen meesha biyo ayaa maraya, meeshuna dhiidhi ayay leedahay,markaas waxaan leeyahay dadku ha samraan laamaha amaankuna haka joojiyaan”. Gaba-gabadii waxa uu Beeniyay Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan in bulshadda bariga magaalada burco ay loolan adag ugu jiraan jagada guddoomiyaha xisbiga kulmiye muuse biixi dabadii waxaana uu yidhi.

 

“Loolankan aad sheegayso jaraa’idkaasi ayuunbaanu ku aragnaa wax jirana maaha loolan socda oo waliba deegaankaas aad sheegtay siyaasiyiintiisa ka socda ama xisbiga dhexdiisa  ka socdaa majiraan, xisbiga kulmiye khilaafkiisu waxa uu dhamaaday 2015kii gaba-gabadiisii, warkanina waa war ka socda dhinaca mucaaradka siiba xisbiga waddani markaad eegto saxaafadiisa iyo meelaha ay wararka soo mariyaan ayuunbaad arkaysaa iyaga oo waxaas ka sheekaynaya oo waliba buun buuninaya oo leh khilaaf ayaa jira oo kulmiye ayaa is haya, waxaasi waxba kama jiraan, hadii uu jirana sidii kii hore uu u  soo shaac baxay ayuu kana u soo shaac bixi lahaa”.

 

Cali Mareexaan ayaa ka hadlay qorshiisa siyaasadeed iyo hankiisa halka uu gaadhsiisan yahay. “Siyaasadda waxa loo galaa in mustaqbal laga gaadho oo aniga iyo inta kale ee joogtaaba nin waliba mustaqbal ka gaadho ayuu hiigsanayaa, lakiin hadda waxaanu ka shaqaynaynaa waa laba meelood, dawlada uu hogaaminayo madaxwaynaha Somaliland ee immika waddanka soo hogaaminaysa muddada ku dhaw toddobada sanno   iyo sidii xisbiga kulmiye u guulaysan lahaa”.

Comments are closed