Wasiir Caddaani oo La Wareegay Xilkii Wasaaradda Warfaafinta Sheegayna inuu Xisbiyada Mucaaridka Soo dhawaynayo+ Khudbadii Wasiir Cukuse DAAWO
Hargaysa 23. February 2016 (SDN/QJ):- Wasiirka Cusub ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyoi wacyigelinta JSL Md Cismaan Cabdilaahi saxardiid (Caddaani) ayaa maanta si rasmi ah xilkii wasaaradaasi ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaaradda Md Cabdilaahi maxamed Daahir Cukuse ahna wasiirka wasaaradda xanaanada Xoolaha.
Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhacday hoolka wacyigelinta ee wasaaradaasi ayna ka soo qayb galeen xubno ka tirsan Xukuumada S/land, xildhibaano ka mid ah labada aqal baarlamaan, fanaaniinta iyo weriyayaasha waayo-aragga ah ee S/Land,wakiilo ka socday saxaafadda madaxa banaan, ururka suxufiyiinta s/land ee Solja, mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda iyo shaqaale weynaha waxaa hadalo ka jeediyey mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda, wasiir ku xigeenka wasaaradda xubno ku hadlayey magaca shaqaalaha iyo marti sharafta ay ka mid ahaayeen wasiirada wasaaradaha caddaalada, Qorshaynta iyo tamarta Somaliland.
Wasiirkii hore ee wasaaradaasi Haatana ah Wasiirka Cusub ee Xannaanada Xoolaha Md cabdilaahi maxamed daahir Cukuse ayaa waxa uu si faahfaahsan u sharaxay marxaladii wasaaradu soo martay mudadii ka soo Wareegtay dib ula soo Noqoshada Madax bannaanidda Somaliland.
Wasiir Cukuse Waxaa kale oo uu ka hadlay waxyaabihii ugu waaweynaa ee u qabsoomay Mudadii uu Xilka Wasaaradda Warfaafinta hayay.
Dhanka Kale Wasiirkii Hore ee Warfaafintu Wuxuu Sheegay in Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu balanqaaday Wax la qabashada Sagaal Hawl Wadeen oo Wasaaradda Warfaafinta ka tirsan oo Xaalad Caafimaad daro la soo Gudboonaatay.
Dhanka kalena wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo wacyigelinta Md Cismaan Cabdilaahi saxardiid (Caddaani) ayaa waxa uu ka hadlay qorshaha uu doonayo inuu wasaaradda ku hago iyo waxyaabaha uu diiradda saari doono.