|

Wasiir Caddaani Oo Dhegxumadii Ugu Foosha Xumayd Iyo Fadeexad U Horseeday Warbaahinta Dawladda JSL + Mucaarid Iyo Muxaafidba Oo Isku Raacday Inay Ceeb Ku Ahayd Qaranka Codadkii Laga Baahiyay Warbaahinta Dawladdu

Hargaysa 03. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Dhacdadii Ugu Foosha Xumayd ee Bulshada Somaliland ka fajacisay ee ay si isku mid ah uga soo wada horjeesteen,la iskuna raacay Mucaarid iyo Muxaafid inay qalad ahayd in laga siidayo Warbaahin Dawladeed ayaa waxa ay noqotay Codadkii dadka shacabka ah laga soo qabtay ee Todobaadkan laga siidaayay TV-ga Qaranka iyo Radio Hargeysa, Waxaanay arintaasi sumcad xumaantii ugu darnayd iyo Fadeexad horeleh u soo jiiday Wasiirka Warfaafinta Cismaan Cabdilaahi Saxardiid(Cadaani) iyo Masuuliyiinta Idaacadda iyo TV-gaba ee Dhacdaasi maamulay ee ka sii daayay Warbaahinta Dawlada.

Waxa maalmihii u dambeeyay si weyn loogu hadal hayay Goobaha ay bulshadu ku kulanto ee lagu qaxweeyo Codad dhegaysi ah oo dhawaan laga siidaayay Tv-ga Qaranka Somaliland iyo Radio Hargeysa kaasi oo xambaarsanaa Codka dad shacab ah oo la duubay dabadeedna laga soo minguuriyay Xidhiidhka WHATS UP-ka ee ay dadka ehelada ahi ku xidhiidhnaa iskuna waydaarsadaan Siro aan haboonayn in badka la soo dhigo.

Waxa ay codadkaasi ahaayeen kuwo Hanjabaad ah ku waajahan Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid oo loo aanaynayo in marka hore isaga lagu soo horaysiiyay dabadeedna uu isagu amray in si waadax ah looga siidaayo Tv-ga Qaranka iyo Radio Hargeysa,Go’aansi oo ay bulshadu u aragto mid ka baxsan Masuuliyadii loo egmaday,Islamarkaana ka dhigaya In Hay’addihii Warfaafinta Dawladu gacanta ugu jirto dad axmaq ah oo aan aqoon xeerinayn.

Dadka qaar ayaa laga dhaadhicin waayay in codadkaasi laga siidaayay Warbaahinta Dawlada illaa la daawad siiyay.

Bulshada Somaliland Mucaarid iyo Muxaafidba waxa ay ku jaha-Wareereen Dhacdadan,Waxaanay wax iska waydiinayeen maalmahani Halka ay ku dambaysay Haybadkii iyo Sumcadii ay Warbaahinta Dawladu ku dhex lahayd Shacabka,Waxaanay dadka intooda badani ku tafsiiriyeen Inay Wasaaraddii Warfaafintu noqotay Hay’ad uu Qof iska leeyahay oo uu waxa uu doono ka sii daynayo,Iyadoo dhinaca kalena dhaliilo loo jeediyay Masuuliyiinta iskaga hoosaysa,Sababta ay khaladkaasi uga qaban waayeen Wasiirka ee ay ugu Caqli celin waayeen.

Waxa ay dadka intooda badan arinta ku qaadaa dhigayeen Baraha Xidhiidhka Bulshada ee Facebook-ga iyo Whatsup-ka,waxaanay si isku mid ah iskula qaateen inay arintaasi sumcad Xumo ku ahayd Wasiirka iyo Masuuliyiinta Wasaaradduba inay Waxa noocaasi ah siidaayaan Warbaahinta Dawlada,islamarkaana ay haboonayd in haddii ay damceen ay meelo kale ka siidaayaan, oo ay ka daayaan Warbaahintii dhamayd ee Dawlada ee looga baahnaa inay iyagu horseed u noqdaan xaga Anshaxa Warbaahinta kale ee Dalka ka jirta.

Comments are closed