Wasiir Caddaani oo Cadeeyay in Weriye Kasta oo Muqdisho Taga in Xukuumadda Somaliland Ciqaab adag Marsiin Doonto Kana Hadlay Xadhiga Weriye Cabdi Maalik Col-doon DAAWO
Hargaysa 16. February 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Cismaan C.laahi Saxardiid Caddaani ayaa Maanta Ka hadlay Xadhiga Laamaha amaanka ee Somaliland ku qabteen Weriye Cabdi Maalik Muuse Col-doon Kadib Markii uu ka soo Laabtay Magaaladda Muqdisho oo uu u Tegay si uu Ugu soo Hambalyeeyo Madaxweynaha Cusub ee Somalia Mr Farmaajo Isla Markaana uu Warbaahinta Ka Sheegay In Taageerada uu u hayo Madaxweyne Farmaajo uu Ka Cadayn doono Magaaladda Hargaysa.