|

Wasiir Caddaani “Cid  Jidh-dil Lagu Sameeyay ma Jiro ee waa wax Khuraafaad iyo Been ah”

Hargaysa 14. February 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka  Wasaarada    Warfaafinta     iyo    Wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland Md.   Cismaan    Cabdilaahi   Saxardiid (Caddaani),  ayaa ku tilmaamay mid ka baxsan dimuqraadiyada iyo sharciga dalka u yaalla fawdadii iyo qaskii  xildhibaanno   ka tirsan  ka tirsan    xisbiga    WADDANI  ka sameeyeen fadhigii    wadajirka   ahaa   ee   labada   gole ee baarlamaanku yeesheen  ee lagu ansixiyay heshiiskii xukuumaddu la gashay dalka Imaaraadka Carabta ee saldhiga  millatari lagaga hirgelinayo madaarka magaalada Berbera.

 

Cismaan   Cabdilaahi Saxardiid   Caddaani oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in ay nasiib-darro tahay, kana xun yihiin in guddoomiyaha Golaha Wakiillada ceeb ku tahay in uu  ka baxo fadhigii labada gole yeesheen.Wasiirku waxa  uu tilmaamay in  ay ahayd  qorshe  xisbiga WADDANI  isku ogaayeen in ay arbushaan fadhgaas.

 

Wasiirka Warfaafinta oo warbaahinta la hadlay fadhigii wadajirka ahaa ka dib, ayaa sheegay in madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland u mahadnaqayo xildhibaannadii ansixiyay heshiiskan, waxaanu yidhi, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),  waxa uu u mahadnaqayaa  labada gole  ee  baarlamaanka Somaliland (Guurtidda iyo Wakiiladda) oo si aqlabiyada oo aan hore loo arag  ku ansixiyay   in saldhiga Berebera aan ka kirayno wadanka Imaaraadka  Carabta  oo faa’iidooyin faro badani ugu jiraan  qaranka Somaliland.”

 

Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid, waxa uu sheegay inay tahay maalin weyn oo Somaliland samaysatay saaxiibo caalamiya,  “Waa maalin wayn oo aynu yeelanay saaxiibo rasmiya  oo maalgashanaya  dalka nabadgelyadiisana  wax wayn ka taraya,iyo maashiic aad u faro badan,maanta (shalay)  waxa fadhiga ka joogay   147 xildhibaan, 144 way ogolaadeen heshiiskaas,   2 Mudane way diideen, guddoomiyuhuna muu codayn,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

 

Wasiirka Warfaafintu waxa uu bogaadiyay Mudaneyaal ka soo jeeda xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo uu ku sifeeyay inay xisbinimo ka doorbideen danta dalka, waxaanu yidhi, “Waxa  ku jiray xildhibaannada codeeyay   28  xildhibaan   oo ka tirsan  xisbiga   WADDANI oo arkay faa’iidada  uu saldhigani u leeyahay Somaliland,   waxaanay   ka doorbideen xisbinimo  aayaha  iyo mustaqbalka Somaliland,madaxweynaha Somaliland aad ayuu ugu mahadnaqayaa mucaarad iyo muxaafidba.”

 

Wasiir Caddaani wuxuu beeniyay hadal ka soo yeedhay Guddoomiye Cirro oo sheegay in la jidh-dilay Mudaneyaal ka tirsan xisbigiisa, waxaanu yidhi, “Xildhibaanadii ka dareeray Golaha ee uu ka mid yahay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ceeb ayay ku tahay iyadoo ay fadhiyeen 150 mudane  Golaha waa arran ayaan darro ah oo aanu aad uga xunahay  dhawr xildhibaanna  ma afduubi karaan Golaha baarlamaanka.  mana   joojin    karaan mana xidhi  karaan  oo ahayd qorshe  ay gaadheen xisbiga WADDANI in golaha la xidho oo  aanu    codayni    ka dhicin. waxa aanu leenahay waa mid aan dimuqraadiyad ahayn oo ka baxsan nidaamka dimuqraadiyada iyo qaranimada aynu ku shaqayno  cid   jidh-dil lagu sameeyayna ma jiro  waa wax khuraafaad iyo been ah.”

Comments are closed