|

Wasiir Cadami & Weftigiisii Oo Maaro U La’ Xal U Helidda & Xasilinta Nabadgelyada Ceerigaabo.

Hargeysa,19july,2015(QJ/SDN)-Weftiga heer qaan oo ka kooban Wasiirka Gaashaandhigga Axmed X. Cali (Cadami) oo isagu weftiga hoggaaminaya Wasiirka Khyraadka Biyaha Baashe Cali Jaamac, Xildhibaan-Bulqaas oo golaha wakiillada ka tirsan iyo Badhasaabka G/Gabiley Mustafe Cabdi Ciise oo tan iyo dhammaadkii toddobaadkii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Ceerigaabo si ay xal uga raadiyaan khilaafaad beeleedyo sababay arrimo ay ka mid tahay dilkii taliyihii ciidanka koofiyad-casta Ceerigaabo kana soo jeedey beesha Bah-ogayslabe (Warsangeli) kaasoo uu toogasho ku diley askari ka mid ah ciidankii taliyahaasi xukumayey kana soo jeeda beesha C/lle Xaammud (Muuse Ismaaciil) balse gacan ku-dhiiglahaasi baxsaday ilaa iyo iminkana aan qabashadiisa lagu guulaysan ayaan ilaa iyo hadda jirin wax xal ama tallaabo wax ku ool ah oo weftigaasi arrimahaas ka qabteen.

 

Kulanno goonni goonni ah ayaa weftigani la yeesheen beelaha ku dhaqan magaalada Ceerigaabo qaarkood Waxana kulankii dhexmaray Beesha Warsangeli ee marxuumku kazoo jeedo iyo wefriga uu ku dhammaaday natiijo la’aan kaddib markii weftigu beeshaas usoo bandhigeen in xukuumad ahaan gacan kudhiiglaha ay dil ku xukumayaan islamarkaasna iyagu raadinayaan kolka la helona la dili doono sidoo kalena waxyeellada dhacday xukuumad ahaan iyagu ay ka dhaahinayaan beeshaas, taasoo dhinaca beesha marxuumku kusoo ururiyeen in gacan ku dhiiglihii haddii ay hayaan ay keenaan oo kaleiya balse wixii kale ee laga wada hadlaaba ay yihiin Hal bacaad lagu lisay.

 

Weftigani waxay kaloo kulan is xog waraysi ah la yeesheen waayeelka Beesha H/Yoonis-bari kulankaasoo beeshu weftiga ugu gudbiyeen cabasho ka dhan ah badhasaabka gobolka kaddibna isdifaac ka yimid dhinaca badhasaabka oo isaguna goobta joogey awgeed uu meesha soo galay buuq iyo hadal taagtaagan waxase xusid mudan inay jirto waanwaanta weftiga iyo beeshan HYB ka dhex socoya kuna saabsan sidii loo sii deyn lahaa waayeelkii Jufada gacan ku dhiiglaha oo xabsiga Ceerigaabo in muddo ahba arrintaas awgeed ugu xidhan uuna ka mid yahay chief-caaqilkii beeshaasi, taasoo muftaax u noqon karta baadi doon iyo aragti laga midaysan yahay oo kusaabsan sidii gacan ku dhigglahaas loo soo qaban lahaa.

 

Beesha Dhulbahante (Naallaye Axmed) iyo weftiga ayaa iyagana kulankii dhexmaray manta oo hindisaha  weftigu ahaa in beesha Naallaye Axmed weftiga la xoojiso sidii Beesha marxuumka loogu qancin lahaa soojeedinta weftiga ee hpre la isugu mari waayey, waxa dhinaca Beesha Naallaye Axmed miiska soo dhigeen dhacdo tan la mid ah oo ay tirsanayaan welina aan la isaga iman oo aan laga heshiin, iyagoo weftiga u sheegay in beel ahaan ay fuliyeen go’aankii ahaa inay nabadgelyada ilaaliyaan wax war ah oo arrintaas kusaabsanna aanay ka hayn beeshii ay wax u tirsanayeen sidaas awgeedna xukuumad ahaan looga fadhiyo waxka qabashada arrintaas oo aanay sidaas kaga tegin. Wuxuna kulankaas nuxurkiisii ku dhammaaday Tayday cuslaysaye maxaan tari nin Ii cawday.

 

 

Sikastaba ha ahaatee marka la eego ilaa iyo hadda xilligii weftigani ku sugnaayeen magaalada Ceerigaabo ayaa arrimuhu waxay u muuqdaan in Wasiir Cadami iyo Weftigiisu weli maaro u la’ yihiin xal u helidda khilaaf-beeleedyada taagan iyo xasilinta nabadgelyada Ceerigaabo.

 

Comments are closed