|

Wasiir Cadami Oo Niyad-xumo Ka Muujiyey Liidashada Adeegyada Caafimaad ee Gobolka Sanaag, Kana Hadlay Dil Loo Gestay Sarkaal Ciidamada Katirsanaa

Hargeysa:June,15,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali(cadami), ayaa markii ugu horraysay ka Hadlay Dil Magaalada Ceerigaabo loogu geystay Sarkaal ciidamada Qaranka katirsana, waxana uu si weyn niyad-jab uga muujiyey adeeg la’aan xagga caafimaadka ah oo Gobolka Sanaag ka jirta.

cadamiWasiir Cadami  oo la Hadlay Idaacadda BBC-da, ayaa ugu horray ka Hadlay Hannaankii dilkaasi udhacay, isagoo tacsi tiiraanyo leh u diray Ehelkii uu Sarkaasi ka geeriyooyday, “Sida dadka xogogaalka ahi noo sheegeen, nin ciidanka ka mid ah oo aan darajo lahayn oo uu xidhay, dabeedna muddo xidhnaa,haddana cafis lagu soo daayay, ayaa Sarkaalka oo fadhiya makhaayad dadka masuuliyiinta ahi shaaha ka cabbaan ugu tagay, dabadeedna gacanta midig iyo gacanta bidix midba xabbad buu kaga dhuftay, shan qadhii xabbada dadkii wuu kala yaacay markaas wuu dhiig baxay”, ayuu yidhi Wasiir Cadami.

Wasiirku waxa uu wasaaradda caafimaadka ku canaantay in halkaasi laga waayay gaadiidka gargaarka degdeg ah oo lagu soo qaado ama shaqaale gargaar degdeg ah u fidiya sarkaalka geeriyooday, waxana uu yidhi, “waxaan aad iyo aad uga xumahay oo aan ka codsanayaa wasaaradda caafimaadka inay guddi baadhitaan ah dirto. Sidee loo odhan karaa gobolka Sanaag oo kale oo aan ogahay in wasiirku u dadaalay oo uu dhawaan ka yimid sidee looga waayi karaa Ambalaas?, sidee looga waayi karaa wax dhiigga qabta oo dhiiga celiya?, sidee looga waayi karaa dad heegan ah oo xilli walba shaqada ku jira”

Wasiirka gaashaandhiga Somaliland, waxa uu sheegay in ninka dilka gaystay goobta ka baxsaday, balse waxa uu sheegay in ciidanku u daba jiraan laguna rajo weyn yahay in gacanta lagu soo dhigo. Waxa uu sheegay inay arrin Somaliland ku cusub tahay Ciidanka oo dilalku ku bateen muddooyinkii u dambeysay “Xukun dambe oo Militari leeyahay oo cid lala sugayo iyo sheekooyinkaasi iyo gar naqsi dambe ma jirayo, dal waliba halka uu ka dhacay baa lagu soo fulinayaa oo waa loo dilayaa” ayuu yidhi wasiirku.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed