Wasiir Cabdi Aw Daahir oo Wasaaraddiisa Ka Difaacay Eedo Mucaaridka Kaga Yimi
Hargeysa:7-Nov-2013(SDN)-Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland, Dr Cabdi Aw-Daahir Cali, ayaa markii ugu Horraysay ka hadlay Eedo kaga yimi dhinaca Mucaaridka oo wax lagaga sheegayey Dhoofka Xoolaha Somaliland.
Wasiir Cabdi Aw Daahir waxa uu Tilmaamay in xoolaha loo dhoofiyay dalka Sacuudiga 90% ka dhoofeen marsada Berbera ee Somaliland, “Marka la eego xoolaha loo dhoofiyay dalka Sacuudiga 90% xoolahaasi waa kuwa ka dhoofay Somaliland ee ka dhoofay dekeda Berbera, waxaa wanaagsan axsaabta mucaaridku inaanay xaqiiqda siyaasadeyn oo aan xoolaheenna iyo iibkooda la dacaayadayn,”ayuu yidhi Dr. Cabdi Aw Daahir oo la Hadlayey qaar ka mid ah warbaahintu.
Wasiir Cabdi Aw Daahir waxa uu sheegay in xoolaha Somaliland aanay jirin xilli ay ka wanaagsan yihiin moosinkii xajka ee dhawaa, waxaanu yidhi “xooluhu si fiican ayay socdaan, 100% sanadkan mar uu ka wanaagsan yahay ma jirto naaxdintooduna mar ay ka wanaagsan tahay ma jirto neefku 12 bilood isagoon gaadhin ayuu ku iib galayaa dalkeena, dekedeenuna baratan ayay kula jirtaa kuwa dalalka jaarka”.
Hadalkan wasiirka ayaa ka dambeeyey Eedo uu Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid u jeediyey Hannaanka Dhoofka xoolaha Somaliland oo uu sheegay inay sannadkii dhawaa Xoolo badani waddanka dib ugu soo Noqdeen, maadaama uu jiro tartan ballaadhan oo dhinaca Dekedaha kale ee deriska ahi.
S.D.N