Wasiir C.laahi Cukuse oo Xisbiga Kulmiye Xaal ka siiyey Hadal ka soo Yeedhay Hogaamiyaha Waddani oo Sheegay in Xisbiga Kulmiye uu Fadho-taystay Qaybo ka mid ah Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Waddani DAAWO
Hargaysa 02. October 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Xannaanadda Xoolaha Somaliland Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa ka falceliyey hadal ka soo yeedhay Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ku eedeeyay Xisbiga Kulmiye in barnaamij siyaasadeedkii ay dhawaan soo bandhigeen ay qaybo ka mid ah ka soo qaateen ka Xisbiga Waddani.
Waxa uu C.laahi Cukuse ku dooday in aanay Jirin sabab kulmiye u gaysa Barnaamijka Xisbiga waddani waxaanu xusay in Miid aqoon yahan ah oo dalalka dibada jaamacado ka dhiga ay kaalin weyn ku lahaayeen diyaarinta Barnaamijka Siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye isagoo Xisbiga Kulmiyena Xaal ka siiyey Sida uu yidhi hadalka ka soo yeedhay Hogaamiye Xirsi oo ay Rafiiq dhow ahaayeen Xiligii uu ahaa Wasiirka Madaxtooyadda.