|

Wasiir C.laahi Cukuse oo Shaaciyey inay Heshiis la Galeen Imaaraadka Isla markaana Dhakhaatiir Imaaraadka ka socdaa ay Somaliland iman doonaan & Nooca Suuqa Labaad ee Xoolaha Imaaraadka DAAWO

Hargaysa 10. August 2017 (SDN/QJ):- Wasiir Cukuse Ayaa Shaaciyay In Dawlada Isu Taga Imaaraadka Carabtu Ay Ogolaatay In Xoolaheena Loo Iibgeeyo Isla Markaana Ay Wasaarada Xanaanada Xooluhu Ay Heshiis Rasmiya Lagashay Wasaaradiisa Dhawaana Ay Iman Doonaan Dhakhaatiir Iyo Khubaro Kasocota Dawlada Isutaga Imaaraadka Carabtu,Waxaanu intaas ku daray inay ogolaadeen in Xoolaheena loo Iibgeeyo Dalka Isu taga Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Ayaa Sheegay Inuu Arinkan Uu Aad Ugala Shaqeeyay Isla Markaana Uu Uga mahadcelinaayo Safiirka Somaliland Ee Imaaraadka Carabta Md Baashe Cawil.

Md Baashe Cawil Safiirka Somaliland Ee Imaaraadka Carabta Ayaa Intii Uu Xilka Safiirnimo Hayay Wuxuu Qaranka Somaliland Usoo Hooyay Guulo Dhaxal Gal Ah Waxaanu Siyaasadii Arimaha Dibada Kusoo Kordhiyay Siyaasad Dhaqan Dhaqaale Furitaankan Xoolaha Ee Uu Hada Amb Baashe Kashaqeeyay Ayaa Ah markii Ugu Horaysay Ee Dawlada Imaaraadku Ay Inoo Furto Saylad Cusub Oo Aan Xoolaheena U Iibgayno

Dhawaan Ayay ahayd markii Uu Wasiirku Kudhawaaqay In Dawlada Saudi Arabia Ay Dib Ufurtay Suuqii Xoolaha Nool Ee Qaybta Xajka isla markaana Toos Loo Furaayo Xajku Markuu Dhamaado.

Comments are closed