Wasiir Biixi Oo Ka Hadlay Hankiisa Musharraxnimo, Siyaasadda Arrimaha Dibaddana Ku Tilmaamay Mid Horumar Ku Tallaabsatay
Hargeysa:April,04,2015(SDN/QJ)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ka Hadlay arrimo badan oo la xidhiidha Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo Waliba Hankiisa uu ku doonayo inuu musharrax ka dhex noqdo Xisbiga Kulmiye oo marar hore ka ribaday.
Maxamed Biixi waxa uu ugu horrayn ka hadlay siyaasadda Arrimaha dibadda dalka, waxana uu ku faanay inuu tallaabooyin fiican qaaday,
“Wadamada Caalamku si xoog leh oo is daba joog ah ayey inoola sii xidhiidheen, Wadamo fara badan oo ay ka mid yihiin Ingiriis, Faransiis, Bilgium iyo ururada UN, EU-da, dalalka Mareykanka, Turkiga, Japan, Talyaani iyo Wadamo kale oo aad u fara badan ayaa nala soo xidhiidhay, xidhiidhkeena Caalamku aad iyo aad ayuu u wanaagsan yahay, waxyaabaha ugu waaweyn ee aanu ku dadaalnay waa in la isku xidho Somaliland iyo Beesha Caalamka, Beesha Caalamku waxa ay inoo aragtaa dad jira oo jooga, Wadamo badan ayaa safar inoogu yimid, oo dalkeena yimid, inaguna dalkooda ayeynu ugu tagnay, waanu la shaqaynay, oo Shirir waaweyn ayaanu ku qabanay Wadamada horumaray, sida Shirkii aynu ku qabanay, Brussels, Shirkii Ganacsiga ee aynu ku qabanay Ingiriiska, Wadamada jaarka iyana xidhiidh wanaagsan ayaa inaga dhexeeya, oo Wadanka Itoobiya, waxa aanu la saxeexanay heshiis weyn oo balaadhan oo ku lug leh Jidka, Laydhka iyo Biyaha”. Ayuu yidhi Maxamed Biixi.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa mar wax laga weydiiyey sida uu u arko dhaliisha Xisbiyada Mucaaradka ee Siyaasada Arrimaha Dibada iyo waxa ka jira ayaa ku jawaabay “Walaahi Qofku ama Mucaarid ha ahaado ama Muxaafid marka uu wax diidayo ee uu dhaliilayo waa inuu dhaliisha wax ku sameeyaa, oo uu dhaliisha caddeeynteeda keena, Mucaaradkuna waa iska jiidhsii, laakiin waxa jira meelo aan waxba laga mucaaradin sida Cardiff iyo Sheffield, meelaha wanaagu ka dhaco mid yar iyo mid weyn, Mucaarad iyo Muxaafidba inaynu ku faraxno weeye, Mucaaradkuna indhahooda ayey ku arkeen, horumarka dalka ka socda, dadka imanaya, dadka iyo wadamada inala soo xidhiidhaya, ha ahaadan EU-da, IGAD, sida Wadamada aynu jaarka nahay ee Itoobiya, Jabuuti,Kenya iyo sidoo kale Wadamada Caalamka, iyo dad badan oo doonaya inay dalka maalgashadaan, ha ahaado Ganacsi, Shidaal, iyo wixii la mid ah, Mucaaradka weynu u baahan ahay inay na toosiyaan, oo ma diidanin, blasé waa inay na tilmaam oo ay yidhaahdan halkaas toosiya, sidaas wax u hagaajiya, anaguna diyaar ayaanu u nahay in aanu dhegaysano, oo wixii naga qaloocsan aanu hagaajino, laakiin cay mutaxani kheyr ma leh”.
Sidoo kale Mar wax laga weydiiyey hankiisa siyaasiga ah iyo musharaxnimadiisii Madaxweyne halka ay ku dambaysay ayaa ku jawaabay, “Maanta lama joogo wakhtigeedii lama joogo, horena waan uga jawaabay, waxaana Maanta Musharax ah Madaxweynaha”.
Maxamed Biixi Yoonis, ayaa hore u shaaciyey inuu doonayo inuu musharrax madaxweynenimo doonayo inuu dalka ka noqdo, waxase taas xagal daaciyey hanka madaxweyne Siilaanyo oo ku khasbay in rag badani ay waayaan fursad ay hankooda dibadda ku keeni lahaayeen.
Xigasho:Geeska.