|

Wasiir Abdiraxmaan Du’aale Beyle Oo Ka Seexday QAXOOTIGA Soomaaliyeed Ee ‘South Africa’

Sida uu qoray ‘Radio Mogadisho’, siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga, ee Dowlada Federaalaka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle , ayaa ka qaybgalay shir ay isugu yimaadeen Wasiirada Arrmaha Dibada ee Dowladaha Africa, oo lagu qabtey Dalka Ethiopia. Shirka oo guud ahaan looga hadli doono arimo Wadamada Africa quseeya, gaar ahaana lagu soo qaadi doono arimo xasaasi ah, oo la xariira Soomaaliya.

Waa muqadas in madal looga hadlaayo arimaha guud ee Africa iyo arimaha u gaarka ah Wadankeena Soomaaliya, ay Dowlada Federaalka u dirto dad Wadanka danihiisa matala. Waxaase is weydiin mudan, maxay tahay arinta ay Dowlada Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga, uga aamunsan yahay QAXOOTIGA Soomaaliyeed ee ku dhiban Wadanka Koonfur Africa?
Inkastoo Wasiiradii Arimaha Dibada ee isaga ka horeeyey aysan waxba dhaamin asiga, oo aysan marna ka hadlin Arimaha QurboJoogta inta aan ka ahayn xayeysiin loogu talagalay in QurboJoogta lagu ogaysiiyo in aysan ka hadlin musuqmaasuqa, qabyaalada iyo xaqdarada lagu hayo ummadda Soomaaliyeed, waxaa kaloo xusid mudan in meelo badan oo uu siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga, ee Dowlada Federaalaka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan
Ducaale Beyle, booqday uusan marna soo hadal qaadin QAXOOTIGA Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan Wadamada Carabta iyo Africa.
Sidoo kale, sida ay qoreen qaar ka mida shabakada wararka ee Wadanka South Africa, ayaa waxay xaqiijiyeen in loo baajiyey TARJUMAA la’aantiis maxkamadii la saari lahaa ganacsadaha Soomaaliyeed ee lagu eedeeyey in uu dilay wiil lagu tuhmaayo in uu la socday dadkii damacasanaa in ay boobaan dukaakiisa, Soomaaliya kuma laha miyaa Ambassador ama QUNSUL matala danaha QAXOOTIGA Soomaaliyeed ee degan dalka Koofur Africa oo ah dal si aada ay ugu badan yihiin QAXOOTIGA Soomaaliyeed, isla markaana, waxyeelo xad dhaaf ah loogu gaysto? Hadii uu jirana, haduu siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga, ee Dowlada Federaalaka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, xilkiisa ka soo bixi waayey, maxuu Ambassadorka ama Ambassadorada, Rag iyo Dumar, qofkuu yahayba, isna aamusiyey?
 
Jawaabta su’aalahaa waxaan u dhaafay aqristayaasha, qaasatan QAXOOTIGA Soomaaliyeed, ee aduunka dacaladiisa ku baahsan in ay iyaga fikirkooda na siiyaa si aan ugu hadalno, sidii QAXOOTIGA Soomaaliyeed, ee ku sugan Wadamada Xuquuqul Adanaha aan laga tixgelin, sida Yemen, South Africa iyo Kenya.
Waxaase rajaynayaa in QORAALKAAN uu noqoto mid xasuusiya xilka ka saaran XUQUUQDA QAXOOTIGA Soomaaliyeed hadii uusan hore uga war ahayn.
Waxaa soo diray: Mohamed Barre – junlay [BULUF], qoraa madaxbanaan, waxna ka qora arimaha Soomaaliya, degana Magaalada Minneapolis, MN – Junlay99@aol.com

Comments are closed