Washington: Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo ka qaybgalaya Shir lagaga hadlayo yaraynta dhimashada Carruurta
Washington, 14 June 2012 (SDN)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog), ayaa booqasho ku tagay caasimada dalka Maraykanka ee Washington DC. Wasiirku wuxuu ku joogi doonaa Washington safar gaaban oo saddex casho qaadan doona waddanka Maraykanka, halkaas oo uu kaga qayb gelayo shir ay ku soo casuuntay Hay’adda Madaxa banaan ee dawlada Maraykanka ee USAID, shirkaasi oo ah mid caalamka oo dhan ka qayb-galayaan.
Waxa shirka lagaga wada hadlayaa sidii loo yarayn lahaa dhimashada Carruurta da’doodu ka yar tahay shan jirka, Wadanka Somaliland waxa lagu qiyaasaa in kunkii carruur ah ee shan jir ka yarba ay 113 ka mid ahi ay sannad walba u dhintaan xanuun. Shirkan waxa lagaga wada hadlayaa sidii tirada carruurta ah ee dhimata hoos loogu soo dhigi lahaa oo looga dhigi lahaa in kunkii caruurta ah ee da’doodu ka yar tahay shan jir aanay wax ka badan 20 carruur ahi dhimanin sannadkii walba. Arrintanu waxay Somaliland u soo jiidaysaa inay hesho caawimo caalamka dhinaca xanuunada caruurta yaryar iyo xanaanaytooda iyo dawayntooda labadaba.
Wasiirka waxa maanta ku soo dhoweeyay Washington DC Rashid Garuf, Wakiilka Somaliland iyo Xaashi Ismail, Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee Washington DC. Wasiirku wuxu habeen dambe oo Khamiisa casho sharaf la leeyahay Jaaliyada Somaliland ee Washington DC, waxaanu ka soo dhoofayaa Washington DC maalinta Sabtida ee bisha June 16-keeda oo uu u soo kicitimayo inuu ku soo noqdo Hargeysa.
Somaliland. SDN, Washington