Wasaarrada Arrimaha Gudaha Dawlada Federaalka oo ka Hadashay Go’aankii ay Qaateen Ergaada Jowhar ku Shirsan
Muqdisho 06, October 2016 (SDN/QJ):- Xoghayaha Joogtada Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliya, Yaxye Cali Ibraahim, ayaa qiray in ergada Magaalada Jowhar u fadhisa Shirka Maamul U Samaynta Gobolada Hiiraan & Shabellaha Dhexe, ay maanta dood adag ka yeesheen qoddobo laga tilmaamo karo halka ay noqonayso Caasimadda Maamulkaasi.
Xoghayaha, ayaa sheegay si koox koox ah in ergadu ay ugu codeynaysay qoddobadii ay ka wada doodeen, iyagoona dood adag ka yeeshay halkii Caasimadda laga dhigi lahaa Jowhar iyo Buulaburde midkood.
Xoghayaha oo wareysi siiyay VOA, ayaa sheegay inaysan iyagu weli haynin xog/macluumaad sax ah oo Warbaahinta la wadaagi karaan, goobtii ay ergadu isu raacday in Caasimadda laga dhigo, illaa iyo inta ay ergada ka soo bandhigayso go’aanka ay gaareen.
Yaxye Cali Ibraahim, ayaa ku waramaya dooddii in dadka qaarkii u fasiran karaan in ergadu u codeysay in Caasimadda laga dhigo Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe.
Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa sanadkii hore digreeto ku magacaabay in Caasimadda Maamulka Gobolada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, ay tahay Magaalada Buulaburde ee Gobolka Hiiraan, Magaalada Jowharna ay shirka martigeliso.