Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Oo Shaacisay Suuqyo Cusub Oo Xoolaha Loo dhoofiyaa Inay Soo Kordheen
Hargeysa:May,10,2015(SDN/QJ)-Wasaaradda Xannaanada Somaliland, ayaa sheegtayin Xoolaha Dalka loo helay Suuqyo cusub oo aanay hore u tegi jirin, isla-markaana ay haatan tagaan oo loo iibgeeyo.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Cali Maxamed Cilmi oo la hadlay TV-ga qaranka, ayaa sheegay in inkastoo ay joogsadeen Xoolihii la geyn jirey waddanka Yemen, haddana ay jiraan Waddamo hor leh oo xoolaha la geeyaa,
“Xoolaheenu Cumaan Way Tagaan, Masar way tagaan, Urdun way Tagaan, waliba Meelahaas aan sheegay waxa sii taga Geella iyo Lo’da.” Ayuu yidhi Cali Maxamed Cilmi.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada xooluhu waxa uu u bushaareeyey dadka ku hawllan dhaqidda xoolaha, waxana uu tilmaamay in iskaashi buuxa dhawaan lagu baabi’in doono seerayaasha ay dadka qaarkii iska ooteen ee dhibaatada ku haya Daaqii Xooluhu isticmaali jireen, waxana uu yidhi,
“Xoolo-dhaqatada reer Somaliland waxan u soo jeedinayaa annaga waxa noo qorshaysan annaga iyo wasaradda Deegaanka in Dhulka Seeraha ah ee Dadka gaarka ahi ooteen la baabi’iyo.”
Dhawaan ayey ahayd markii ay hoos u dhaceen Suuqyadii xoolaha somaliland tegi jireen, kadib markii u dagaalka sokeeye ka bilaabmay Waddanka Yemen oo Xoolo adhi u badan loo dhoofin jirey, balse wasiirku ma uu sheegin sida ay suuqyada cusub ee Xoolaha la geynayaa kusoo baxeen.
SDN/QJ