Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland Oo Shaacisay 7 Dugsi Sare oo Hargaysa ku Yaal oo ay Ruqsadii kala Noqotay iyo Sababta Keentay
Hargaysa 20. August 2017 (SDN/QJ):-Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ruqsadii kala noqotay toddoba dugsi sare oo gaar loo leeyahay, kuwaasi oo dhammaantood ku yaalla caasimada Hargeysa.
Sidaasna waxa shaaciyey Agaasimaha waaxda dugsiyadda gaarka loo leeyahay, Muuse Shide, ayaa ka hadlay sababta ay ruqsada looga qaaday, waxaannu ku eedeeyey dugsiyadaas inay u hoggaaansami waayeen awaamirtii wasaaradda wabarashada, sidoo kalena ay ka baxeen qodobo laysla qaatay oo ahaa illaa natiijada imtixaanka la soo dhajiyo inaan wax arday ah la qaadan karin.
Dugsiyadan ruqsadii lagala noqday waxay kala yihiin, dugsiga sare ee 1.Ileys-1, 2.dugsiga sare ee Tomorrow, 3.dugsiga sare ee caalami,4. dugsiga sare ee 17-May, 5.dugsiga sare ee Aklas,6. dugsiga sare ee Ammaano iyo 7.dugsiga sare ee Future.
Waxaa Kale oo Agaasimahani Sheegay inay sii wadayaan hawlgalka ruqsad kala noqoshada iskuulada u hogaansami waaya awaamiirta Wasaaradda Waxbarashada.