|

Wasaaradda Waxbarashadda Somaliland oo Fasax ka Dhigtay Dugsiyadda Waxbarasho Beri laga Bilaabo Ilaa 15-ka Bishan & Sababta Keentay!!! DAAWO

Hargeysa 06 November  2017 (SDN/QJ):-Wasaaradda waxbarashada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay inay fasax noqon doonaan  dhamaan goobaha waxbarasho ee dalka , laga bilaabo  7 bisha ilaa 15 bisha, iyada oo ay isticmaali doonaan goobahaasi Guddida Doorashooyinka Qaranku.

Agaasimaha wasaaradda waxbarashada Axmed Abokor Maxamed ayaa sheegay sababta loo fasaxay goobaha waxbarashadu in ay tahay doorashada Somaliland ka dhici doonta 13 bishan isla markaana codsi uga yimid guddida doorashooyinka Somaliland ay u fasaxeen ardayda.

Fasaxa ayaa dhammaanaya 15 bishan oo ku beeggan laba maalin kaddib doorashada

Comments are closed