|

Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Oo Xoog Al-baabada Ugu Laabtay Dugsiyo Gaar loo Leeyahay Oo Khilaafay Nidaamka Waxbarashada Qaranka, Xilli ay Dugsiyada Dawladdu Wali Fasax ku Maqan yihiin

Hargeysa:Aug,05,2015(SDN/QJ)-Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland, ayaa gebi ahaanba albaabada iskugu dhufatay qaar kamid ah iskuullada gaarka loo leeyahay oo ku yaalla Magaalooyin dalka ah, kuwaas oo waxbarashada Bilaabay xilli Gebi ahaan Dugsiyada waxbarashada Dalku fasax ku jiraan.

xidhxDugsiyadan ayaa lagu eedeeyey inay khilaafeen nidaamka waxbarasho ee dalka, waxana ay Ardayda Waxbarashada u bilaabeen xilli  dalka oo dhammi ku jiro Fasax Saddex Bilood ah.

Waxa dugsiyadan haatan albaabada loo laabay waxbarashada dib u bilaabeen 1-dii Bishan 8-aad ee sanadkan, iyadoo wali ay fasaxii wasaaraddu denisay ka hadhsan tahay muddo hal bil ahi, waxana arrintaasi si weyn uga cadhootay wasaaradda Waxbarashada oo dedaal u gashay in isfaham ah lagu xidho dugsiyadaas.

Dugsiyada qaarkood ayaa u hoggaansamay Awaamiir joojinta waxbarashada la xidhiidha oo ay wasaaraddu soo saartay, halka qaar kalena iska dhego mariyeen, isla-markaana sii wateen inay waxbarashada iyo qorista Ardayda cusub-ba sii ambo qaadaan.

Maalmihii shalay iyo dorraad ayey wasaaraddu olole ballaadhan ku qaadday dhammaanba Dugsiyada furan ee awaamiirteeda diiday, waxana ay si khasab ah ku xiday Tiro iskuulo ah oo si caadi ah waxbarashada ugu gudo jirey, iyadoo qaarkoodna u adeegsatay ciidamo Boolis ah, sida maamullada qaarkood noo xaqiijiyeen.

Dugsiyo kale ayaa iyagana la xidhay  kadib markii ay madaxda wasaaradda qaar kamid ahi Telefoonno u direen, isla-markaana ugu hanjabeen inay ruqsadda kala noqon doonaan haddii aanay dugsiyadaasi joojin waxbarashada ay wadaan xilli Dugsiyadii Dawladdu wali xidhan yihiin.

Wasaaraddu waxa ay ku guulaysatay inay joojiso dhammaanba Dugsiyadii waxbarashada Bilaabay xilligan ay fasaxii ka hadhsan tahay muddada Bisha ahi, waxana ay Maamulayaasha iyo Mulkiilayaasha Dugsiyada gaarka loo leeyey ku amartay inay sugaan inta fasaxu dhammaanayo.

Dugsiyada gaarka loo leeyey ayaa inta badan caado u leh inay ku dhaqmaan siyaasad ka baxsan midda wasaaradda Waxbarashada, waxana fasaxyada iyo nidaamyada kale ee  Hawlahooda waxbarasho la xidhiidhaa ay yihiin qaar inta badan ka madax bannaan Wasaaradda Qaranka u qaabilsan waxabarashada.

Dhibaatooyin sidan oo kale ah ayaa ka taagan Jaamacadaha gaarka loo leeyahay, kuwaas oo inta badan lagaga cawdo shuruuc ka baxsan midda Wasaaradda oo ay hoosta ku haystaan, waxana wali qabyo ah xeerarkii lagu dhaqi lahaa Hay’adaha waxbarasho ee shuruucda dalka ku tumanaya.

Wasaaradda Waxbarashada oo Wargeyska Hubaal isku dayey inuu Arrimahan soo kordhay wax ka weydiiyo, ayaanay noo suurto gelin, kadib markii ay Telefoonnadooda gacanta qaban waayeen Masuuliyiinta Ugu sarraysa oo ay kamid  yihiin Wasiirka, Wasiir-ku-xigeennada iyo waliba wasiiru-dawluhuba.

 

Xigasho:Wargeyka Hubaal

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed