Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Oo Maanta Lagu Wado inay Ku Dhawaaqdo Imtixaaankii shahaadiga ahaa ee Fasallada 8-aad iyo 4-aad
Hargeysa:10-Sep-2013(SDN)-Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa lagu wadaa inay saaka Oodda ka qaaddo Natiijada Imtixaankii shahaadiga ahaa ee Fasallada 8-aad ee digsiyada Dhexe iyo 4-aad ee Dugsiyada sare.
Natiijadan oo in muddo ah la sugayey, ayaa lagu wadaa inay wasaaraddu saaka oo Salaasa ah ku Dhawaaqdo natiijadiisa, iyadoo ay Arday aad u tiro badani dhawrayso natiijaddan, maadaama ay muddo badan u soo samrayeen.
Xarunta Guddida imtixaanaadka ayaa lagu wadaa inay noqoto goobta lagaga dhawaaqayo imtixaanku, sida ay Qurbejoognew.com u xaqiijiyeen xubno sare oo ka tirsan wasaaradda waxbarashada Somaliland, waxana saaka si weyn looga dareemayaa Guud ahaanba Somaliland diyaar-garawga loogu jiro natiijada imtixaankan.
Tiro aad uga badan middii sanadkii hore ka qalin jabisay Dugsiyada sare iyo iyo Dhexe ayaa la filayaa inay sanadkanna soo baxaan, waxana ay Ardaydaasi qalqaale ugu jiraan sidii ay jaamacad iyo Dugsiyo sare u gali lahaayeen si ay u sii wataan tacliintooda.
Dugsiyada Gaarka loo leeyahay ayaa sannadihii ugu dambeeyey kaalmaha hore ka gelayey imtixaankan, waxana la filayaa inay sanadkanna iyagu gurtaan, maadaama tayadooda waxbarasho aad u sarrayso.
Sida ay noqoto Natiijada imtixaanku waxanu idiinku soo gudbin doonaa Ku dhawaaqidda ka dib insha allah.
Somalidiasporanews.com
Contact@somalidiasporanews.com