|

Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Oo Eedo Kulul Dusha Ka Saartay Safaaradda Somaliya ee Qaahira

Hargeysa:1-Nov-2013(SDN)-Wasiirk a waxbarashada  Somaliland Samsam Cabdi Aadan, ayaa Si kulul u dhaliishay Masuuliyiinta ka Hawlgala Safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Qaahira.

samsamWasiir Samsam oo Haatan uun ka soo cagodhigatay Safar ay muddo kooban ugu maqnayd Waddanka Masar, ayaa Qunsulka gacanta ku haya Safaaradda soomaaliya ee Qaahira ku eedaysay kala Takoorid iyo kala Qoqobid ay ku hayaan Ardayda Somaliland ee dalka Masar wax ka barata.

 

waxa ay sheegtay wasiiradu markii ardayda reer somaliland ee jooga Qaahira ay waraaqihii cusboonaysiinta Passport-ka uga baahdeen safaaradu ay u diiday kuna sheegtay in ay ka yimaadeen Hargeysa. taasina waa mid soo celinaysa ayay tidhi cunfugii hore, “wixii haatan ka dambeeya Ardayda Somaliland ee waxbarashada u tegaysa Magaalada Qaahira, waxay ku bixi doonaan Passport-ka Somaliland oo aanu Hadda Gacanta ku hayno, waana wax Runtii laga xishoodo in Dad Soomaliyeed Sidaas lagu sameeyo.” Ayey Tidi Wasiir Samsam.

Masar ayaa ka mid ah dawladaha Deeqda Waxbarasho ee Ugu badan siiya Dadka somalida ah, waxana ay Somaliland sanad walba qaybteeda ka  ardaydaas la bixiyo, waxase ay caqabad ka tirsanaysaa Masuuliyiinta Safaaradda oo arrimo raalligelin waayey lagu arkay.

S.D.N.

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed