|

Wasaaradda Waxbarashada ee Somaliland oo Beenisay in loo soo daabacay Manhajka dalka Somalia

Hargaysa 25.July 2014 (SDN/QJ)- Wasaarada Waxbarashada ee Somaliland ayaa beeniyay Wararkan lagu baahiyey qaar ka mid ah Mareegaha Interneta ee Somaliland kaas oo lagu sheegay In Wasaarada Waxbarashada Somaliland Loo Soo Daabacay Manhaj Lagu Mideeyey Dalkii Laysku Odhan Jiray Somalia.

Masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashadu waxa ay sheegeen in warakaasi yahay mid aanay waxba ka jirin .

Shirka jaraaid oo ay qabteen Masuuliyiinta Wasaarada Waxbarashadu Waxa Ka Hadlay Agaasimaha Tacliinta Sare Ee Wasaarada Waxbarashada Abiib Axmed Cali , Cabdilaahi Yaasiin Agaasimaha Manaahijta Ee Wasaarada Waxbarashada, Cali Salaan Jirde La Taliyaha Wasiirka Waxbarashada Iyo Daa,uud Axmed Faarax Guddoomiyaha Xafiiska Imtaxaanaadka Qaranka ..

Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka qaranka ayaa ka dalbaday Warbaahintu inay ka dhawrsoonaato wararka aan xaqiiqda ahayn ee ay Mujtamaca u faafinayaan.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed