Wasaaradda waxbarashada oo imtixaantay 200 macallin
Muqdishu Oct 01,2014(SDN/QJ)-Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta imtixaan ka qaadday 200 macallin oo la doonayo inay qeyb ka noqdaan mashruuca ‘Aada Dugsiyada’ ee ay dowladdu ku dhawaaqday sanadkii hore.
Imtixaanka waxaa lagu qabtay Dugsiga Macallin Jaamac ee degmada Xamarweyne. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashadda Xaamud Cali Xasan ayaa sheegay “ waxaa farxad ii ah maanta inaan idiin iclaamiyo in imtixaanadii loo fariisanayo, waxaana laga qaadayaa ku dhawaad 200 oo macalin oo barayaal ka noqonaya Dugsiyada Dowladda ee lacag la’aanta
ah, waxaana bilaawnay in macalimiinta Iskuulaadkaas ka noqonaya barayaal aan qorno.”
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Iskuulaadka lacag la’aanta ee Gobalada oo dhan ay dhiganayaan inkabadan 35kun oo arday ah, Xukuumada Soomaaliya Siyaasadeedu waxay tahay in la helo Dugsiyo lacag la’aan ah oo Caruurta ay dhigtaan, waxaynu sidoo kale aan dhisnay Iskuula farabadan oo ay naga gargaareen Hay’adaha Caalamiga ah sida OIC, ADRO iyo Mercy Crops sidaas oo ay tahay waxaan ugu baaqeyn dhamaan Umada Soomaaliyeed gaar ahaan dadka Gobalka Banaadir degen Caruurtii lacag la’aan guryaha uga sugnaan jirtay oo aysan u helin waxbarasho inay maanta caruurtoodee keenaa Iskuulaadka lacag la’aanta ee dowladda Soomaaliya ay ugu tala gashay si kor loogu qaado aqoonta umadeena ayuu yiri Wasiir Xaamud Mudane Xaamud ayaa xusay in wasaarada ay u rabto 28 dugsi macalimiin kuwaas oo sanadkaan la dhisay waxaana ku jira Dugsiya sare, isagoo ku tilmaamay inay tahay fursad qaali ah oo Jiilka cusub loo baahanyahay inay ka faa’iidaystaan.
Wasiir ku xigeenka Waxbarashadda iyo Barbaarinta Mudane Xaamud Cali Xasan ayaa fasalada imtixaanka looga qaadayay Macalimiinta Cusub soo dhexmaray isagoo indha indheynayay qaabka uu Imtixaanka u socday.
Agaasimaha Waaxda Dugsiyada Dowaldda ee Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Soomaaliya,Prof Maxamed Cilmi Tooxow ayaa sheegay inay wasaaradda sanadkan qaadaneyso macallimiin cusub, kuwaas oo wax ka dhigi doona 28 dugsi oo laga hirgelinayo dalka.
Gobolka Banaadir oo keliya waxaa lagu wadaa in laga hirgeliyo 14 dugsi oo ay wax ka dhigi doonaan macallimiinta ku guuleysta imtixaanka maanta la qaaday.
Wasaaradda ayaa sanadkii hore qaadatay 1,500 oo macallin, kuwaas oo ka howlgala gobollada dhexe iyo koonfurta Soomaaliya.
Communication Officer
Muqdishu Somaaliya