Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Oo Shaqo Joojin Ku Sameysay Wariye Ka Tirsanaa TV-ga Qaranka
Burco,8Oct,2015(QJ/SDN)-Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo kamid ah wariyeyaasha ka hawlgala TV afka Xukuumadda Somaliland ku hadla ayaa laga joojiyay shaqadii uu hayay, shaqo joojintan ayaa timid kadib markii uu Wariye Cabdimalik sameeyay filiman yaryar oo muujinaya sida itoobiyaha faraha ugala jirto soomaalida.
Wariye Coldoon ayaa majaajilooyin ka sameeyay shir qaar ka mid ah madaxda gobolada Somalilnad hoos yimaada & ciidamadamadooda loogu qabtay magaalada Diridhaba, shirkaas oo madaxdii tagtay ee Somalilnad matalaysay ay sheegeen in ay Ethiopia la sexeexdeen heshiisyo cusub ayaa dareen xoogan shacabku ka muujiyay.
Filimaan dhawr ah oo kalena wuxuu Coldoon ka sameeyay arimo kala duwan waxaase aad soo jiidasho u lahaa mid uu ka sameeyay xidhaygii 4 ka mid ah koox faneedka Xidigaha Geeska oo la xidhay ka dib markii ay Xamar kasoo heeseen arintaas ayuu Coldoon majaajilo ka sameeyay taas oo uu ku muujiyay sida kuwa itoobiya taga aan loola hadlin.
Filamantaas & kuwo kale ayuu ka midahaa coldoon dadka matalay waxaana arrimahaas ka cadhooday Xukuumadda Somalilnad, hadaba wariye Coldoon ayaa xaqiijiyay in shaqadii TV ga laga joojiyay halkan hoose ka akhri qoraal kooban oo uu bartiisa facebook ku shaaciyay.
“Shaqo joojin
waxa la igu wargaliyey shalay in shaqadii aan ka hayey muuqbaahiyaha qaranka somaliland (Slntv) la iga joojiyey, laguna sababeeyey filimaan gaagaban oo aanu ka matalay arimo loo arkay in ay ka dhan ahaayeen xukuumadda.
waxaana ka mid ahaa filimaantii ugu dambeeyey aanu matalo aniga saaxiibaday siciid iyo cabdiqaadir :
1- feedhka cirro 2- hankaagu hadhaafo haamaha 3-xanta aan la xusin xabshi xabaashay xurmadeenii 4- xadhiga xidigaha geeska 5-siyaasadda mucaaradka.
Ma noqonayso talaabadan ay qaaday wasaarada warfaafintu mid hor istaagaysa muujinta afkaarta iyo aragtida aanu ka leenahay arimaha nagu xeeran.
C.maalik sh.muuse coldoon
Burco, 8 oct 2015″