|

Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland oo Xustay Maalinta Xog-ururinta Afrika

Hargeysa, 20 November, 2015-(SDN/QJ):- Dalalka Qaaradda Afrika oo Somaliland ku jirto, ayaa Shalay looga debaal-dagay Maalinta Xog-ururinta oo Sannad kasta la qabto 18-ka bisha November.

Wasaaradda qorsheynta Qaranka Somaliland oo ka duulaysa ahmiyadda maalintani u leedahay Somaliland iyo Afrika inteeda kaleba, ayaa huteelka Maansoor ee Hargeysa ku qabatay Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayo Maalinta Xog-ururinta waxayna halkaa ku soo bandhigtay Xog-ururinta Wasaaraddu ku samaysay Cisbitaallada dalka iyo dadka bukaanka ah ee ku jira, Xabsiyada iyo nolosha dadka danyarta ee Somaliland ku dhaqan, si Wasaaradaha Qaranka u qaabilsan arrimahaasi uga duulaan oo ay wax uga qabtaan wixii baahi jirta ee Wasaaradda Qorsheyntu xogteeda soo ururisay.

Munaasibadda oo ay ka qayb-galeen Masuuliyiin tiro badan oo kala socday Hay’adaha Dawladda Somaliland qaarkood, hay’adaha la shaqeeya Wasaaradda qorsheynta iyo Marti sharaf kale, ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Madaxa Waaxda Xog-ururinta ee Wasaaradda Qorsheynta Xasan Cabdillaahi Jaamac waxaanu ka waramay ahmiyadda Xog-ururintu leedahay waxaanu yidhi, “Ujeeddada loo xuso Maalinta Afrika ee Xog-ururintu waxa weeyaan, marka la helo Xog sax ah ama xog fiican ayaa la helayaa yool fiican.”

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland Cabdirashiid Axmed Guuleed oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi, “18-ka bisha November waxa Sannad kasta la xusaa Maalinta Xog-ururinta Afrika oo Somaliland-na ku jirto.”

Agaasimaha oo sii hadlaya ayaa intaa sii raaciyey, “Xog ururintu waa waxa ugu muhiimsan ee kow ka ah Waxqabadka, waayo? haddaan Sahan la helin waxba lama qaban karo, haddaan Xog la helin qorshe lama diyaarin karo, Soomaaliduna waxay tidhaahdaa War la helyaaba talo la hel.”ayuu yidhi.

Comments are closed