Wasaaradda Ganacsiga oo Gobolka Sool ka Bilowday Hawl gal ku Wajahan Bixinta Liisamada Ganacsiga iyo kala Xadayntooda
Laascaanood 26.Nov 2014 (SDN/QJ)- Isuduwaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah ee Gobolka Sool Md Cismaan Saleebaan Bootaan (Faro Tiriye) oo Warbaahinta ugu waramay xafiiskiisa Magaalada Laascaanood ayaa ugu baaqay Ganacsatada Gobolkaasi inay u diyaargaroobaan bixinta liisanada Ganacsiga iyo kala xadaynta baayacmushtarka oo bilaabmi doona dhowaan, waxana uu ugu baaqay inay Xukuumadda kala qayb qaataan mashaariicda horumarineed ee ay Gobolka ka waddo.