|

Wasaaradda Duulista Somaliland Oo Sheegatay in Maanta Ethiopian Airline Hargeysa Duulmaadyo Ka Bilaabayso

 

Hargeysa:21-Sep-2013(SDN)- Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland ayaa Habeenkii xalay shaaca ka qaadday in shirkadda diyaaradaha Itoobiya Air-line ay Maanta si   rasmi  ah Duulimaadyadeedii uga bilaabayso madaarka Hargeysa.

ma duusWasaaradda Duulista ayaa sidaas ku sheegtay war-saxaafadeed ay soo saartay oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay  shabakadda wararka ee Qurbejoog.co.

War-saxaafadeedka ayaa u dhignaa sidatan:

Shir ay maanta(shaly) magaalada Adis-ababa kuwada yeesheen weftigii wasiirada ahaa ee ka socdey Somaliland iyo wasiirka arrimaha dibedda dalka Itoobiya ayaa lagaga wada hadlay arrimo badan oo ka mid ah xidhiidhka labada dawladeeda ee Somaliland iyo Itoobiya, oo ah labada dal oo jaar ah uuna ka dhexeeyo xidhiidh dhinac walba leh.

 

Sidoo kalena waxaanu qoraalkan ku cadaynaynaa in la dhameeyey arrintii shirkada diyaaradaha ee Ethiopian Airline, oo dhawaan hakisay duulimeedyadeedii ay ku iman jirtey jamhuuriyada Somaliland, waxaayna duulimaadyadeedii si rasmi ah u bilaabaysaa maalinta berito(maanta) ah, iyada oo maalinta axada ahna ay soo raacayaan weftiga Somaliland.

 

Arrintan ayaa ah guul diplamaasiyadeed oo xukuumadda uu hoggaaminayo madaxweyne Axmed Maxamed Maxmuud Siillaanyo, ay gaadhay iyada oo arintan ay xukuumaddu ka gashay dedaal badan aakhirkiina lagu guulaystey.

 

Sida aynu wada ognahay waxay mucaaradku arrintan u turjimeen qaab khaldan, iyaga oo islahaa waxaad ku helaysaan shacbiyad, balse waxaan odhan karnaa mucaaradku way ku fashilmeen iyaga oo kala garanla qaranimada iyo waxyaaha Somaliland wax yeelaynaya.

 Somalidiasporanews.com

Contact@somaldiasporanews.com

Comments are closed