|

Wasaaradda Duulista Somaliland oo Iftiimisay Qalabka Hay’ada ICAO Siisay Dalkaasi Soomaaliya DAAWO

Hargaysa,12,May 2016 (SDN/QJ):- Wasiiru dawlaha Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland Axmed Nuur Faahiye waxa uu ku beeniyey in aanay jirin Qalab Hawada Guud ee Soomaaliya lagula wareego oo la siiyey Waddanka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya, balse waxa jira buu yidhi Qalab loogu tallo galay la socodka Saadaasha Hawada (Metrology) oo ay siisay “ICAO” Madaarada Somaliland ay u soo wado, Wasiirku isaga oo Arrimahaas ka hadlaaya waxa uu yidhi:-
WASIIRUL-DAWLAHA-DUULISTA“ Maamulka Hawada Somaliland iyo Soomaaliya waxa laga maamulaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, iyada oo la soo Wareejin doono marka Somaliland iyo Soomaaliya Heshiis ka wada gaadhaan arrintaas,
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, sida ay caddaysay Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabisan Hawada “ICAO”, hal dhinac oo kaliya laguma wareejin karo Hawada, maadaama laga hortagayo khalkhal amni iyo in ay carqaladi timaado, Qaramada Midoobay, Dalalka Jaarka ah iyo Adduunwenuhuba waxay doonayaan in Hawada Somaliland iyo Soomaaliya ay noqoto mid nabad ah oo la isku halayn karo, taasina waxay ku imanaysaa heshiis laba geesood ah oo ay wada gaadhaan labada Dawladood, kumana imanayso in hal dhinac isku koobo Maamulka Hawada.”

Wasiirka oo sharaxaad ka bixinaaya Qalabka la geeyay Soomaaliya ee ay geysay “ICAO” ayaa waxa uu yidhi:- “ Qalabka Saadaasha Hawada ((Metrology) ee la geeyay Muqdisho, waa Qalab loogu tallo galay Saadaasha Hawada iyo Cimillada, Qalabkan mid la mid ahina waxa uu u soo socdaa oo la keenayaa Madaarada Somaliland ee Hargeysa iyo Berbera dhawaan, waana qalab caawinaya hawlaha Shaqada ( Operation ) ee Madaarada Guud ahaan.”

Wasiirku waxa uu farriin u diray Warbaahinta Somaliland, waxaana uu yidhi:- “Warbaahinta Somaliland waxaanu u sheegaynaa in ay ka waantoobaan fidinta iyo faafinta Wararka ka dhanka ah Qaranimada Somaliland ee ka soo yeedha Masuuliyiinta Soomaaliya iyaga oo aan hubsan, waana in ay ku shaqeeyaan dareen Waddaniyadeed, sidaa ayuu yidhi Wasiirudawle Axmed N Faahiye

Comments are closed