Wasaaradda Difaaca Maraykanka oo Cadaysay in aanay Waxba Iska Bedelin La Macaamilkoodii Dalka Qadar oo ay Saldhigyo Ku Leeyihiin
Washington 06. June 2017 (SDN/QJ):- Sida ay baahisay wakaalada wararka Reuters afhayeen u hadlay wasaaradda Difaac Maraykanka ayaa sheegay in hawlahoodii iyo duulimaadyadii ka socday saldhiga Al-Udeid ay sidoodii ahaan doonaan.
Hadalkan ayaa ka dambeeyey markii ay Sucuudiga, Masar, Baxrayn iyo Imaaraadku ay xidhiidhkii dublamaasiyadeed u jareen dalka Qadar.
War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda difaaca Maraykanka ayaa lagu sheegay in dawlada Qadar loogu mahadnaqay siday u garabtaagan yihiin la dagaalanka kooxda ISIS ee ka dagaalamaya Ciraaq iyo Suuriya.
Wuxuu warku intaasi ku daray in sidoodii u soconayaan hawlgaladii ay ka fuli jireen dalalka Afgaanistaan, Ciraaq iyo Suuriya ee lagu ugaadhsan jiray kooxaha xagjirka ah. Dawlada Maraykanku waxa ay u soo jeedisay dalalka carabta inay hoos u dhigaan xiisada u dhexaysa, oo ay ku bahoobaan danta guud ee la dagaalanka aragagisada caalamka.
Dalka Qadar ayuu Maraykanku ku leeyahay saldhig Milatari oo ay ku sugan yihiin toban kun oo askari oo ciidanka cirka ah.
Xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka oo ku sugan Ustareerliya ayaa sheegay inay sidoodii u wada shaqayn doonaan Qadar iyo Maraykanku, oo aanay saamayn doonin la dagaalanka kooxaha xagjirka ah.