|

“Wasaaradda Dhalinyaradda Iyo Isboortigga Miisaaniyaddeedu Waxay Ahay $950,000 Sanadkiiba Oo Keliya Halka Ay Ilaalada Madaxtooyaddu Ahayd $2.5 Million Dollar”. Jamaal Cali Xuseen

Hargaysa 30.Oct 2015 (SDN/QJ)- Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen ayaa ka fal celiyay Warar sheegaya in Hanti dhawrka qaranka la Gelinayo Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha kadib Markii uu Wasiirkeedii doraad ku dhawaaqay inuu iska Casilay Xilkaas Isla markaana loo dhaariyey Xubin ka Tirsan Golaha Wakiiladda.

Jamaal-CALI-XuseenMurashax Jamaal Cali Xuseen ayaa qoraal Kooban oo uu Ku Faafiyey Barta Xidhiidhka Bulshada ee Facebook Wuxuu Is barbardhig ku Sameeyay Miisaaniyada laba Wasaaradood oo Wasiiradoodu is Casileen Waxaanu ku bilaabay Sidan:- Wasaaradda dhalinyaradda iyo Isboortigga miisaaniyaddeedu waxay ahay $950,000 sanadkiiba oo keliya halka ay ilaalada madaxtooyaddu ahayd $2.5 million dollar. ay tahay. Waxaan maqlayaa wasiirkii isboortigga ee xilka iska Casilay ayaa hanti dhowr la gelinayaa. Tollow shantii sanadood ee Siilaanyo waddanka u talinaayey waa markii Ugu horeysay Ee meel audit ama hanti dhowr la gelinaayo. Musuqmaasuq baahsan OO ilaa madaxtooyadda gelaya ayaa jira. Hantidii dalkoo dhan baa la iibiyey, waxba yaan Wasiir shaqaale ah Farta laydinku fiqiine waa in aynu Kala xisaabtamnaa Ninka la doortay Ee intuu madaxweynaha ahaa dalkii oo dhan xaraashay. Madaxa meel Ka saraysa oo la salaaxaa ma jirto. Bal car maalin uun madaxtooyaddu ha qirato in ay maamulkii dalka xisbigga Kulmiye la kufay intay maalinba shicibka cadow uga dhigayaan cid kale.

Comments are closed